Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay ajandaha kalfadhiga 77-aad, oo ay ku shaqayn doonaan inta kalfadhigan.
Fadhigii maanta ee Golaha guurtida Somaliland oo uu shirguddoominaayay Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa xildhibaannada u soo jeediyay inay soo naaqishaan ajandaha ay ku shaqayn doonaan muddada fadhiga goluhu jiro.
Ajandahan kalfadhiga 77-aad ee loo qaybjyay mudanayaasha golaha guurtida ayaa ka kooban 13 qodob, isla markaana looga baahan yahay mudanayaasha inay waajibkooda ka gutaan.
Sabtida ayaa doodiisa wax ka baddelka iyo kaabistiisa loo balamay.