Ururka CCS iyo Machadka Horizon oo sheegay inay gurmad biyo-dhaan ah ka fulinayaan gobolka Togdheer

0
361

Ma’chadka Horizon Institute iyo CCS, ayaa ku dhawaaqay inay gurmad biyo-dhaan ah gaadhsiinayaan bulshada ay abaartu saamaysay ee Gobolka Togdheer,sida uu warbaahinta u sheegay Md. Yuusuf Cismaan Garas oo kamida masuuliyiinta dalladaasi.

Taakuladan ayuu sheegay Wasiir hore Yuusuf Garas, inay jeebkooda ka bixinayaan oo ay ku deeqeen aasaaseyaasha Machadka Horizon iyo CCS, iyagoo ka duulaya dareenka bina-aadaminimo ee ku gedaaman bulshada ay taabatay xaalada abaareed, gaar ahaan biyo la’aantu.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Abaar u daran dhinaca Biyaha ayaa ka jirta deegaamo badan oo kamida gobollada Somaliland, gaar ahaan Togdheer iyo deegaamada kale ee Bariga dalka.

 

Leave a Reply