Xikmadaha Maanta

0
483
  • Kelnimadu way xun tahay, laakiin waxa ka sii khariban saaxiibka xun
  • Waxa jira dad ku maqlayaa adigoo ku hadlaya kumanaan eray, laakiin aan ku fahmayn iyo kuwo ku fahmi kara adigoo aamusan.
  • Ruusx kastaa khalad wuu sameeyaa maaha inuu is ciqaabay, marar badan dadka wanaagsan ayaa sameeya xulasho xun, maaha inay xun yihiin laakiin waa inay Aadami yihiin oo khaldami karaan
  • Haddii aad hadal badan tahay waxaad ku celi celisaa wixii aad taqaanay, laakiin haddii aad aamusto waxaad baranaysaa wax cusub.
  • U adeegso codkaaga wanaag, dhegahaana inay khayrka maqlaan, gacamaahaga bixinta sadaqada, maskaxdaada runta, jidhkaaga oo dhan Allah ka cabsi iyo toosnida dariiqa saxda ah.
  • Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay muujiyaan wixi kaa khaldan, sababtoo ah ma xamili karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad samayso.

Leave a Reply