Xikmadaha Maanta

0
668
  • Qofku laguma canaanto saboolnimadiisa waayo arinkaa wax awood ah kuma laha, laakiin waxa lagu canaanta af xumadiisa iyoakhlaaqdiisa khariban
  • Tuugu wuxu ka xadaa alabta laakiin beenaluhu wuxu ka xadaa Maskaxda
  • Cadaanka macanihiius maaha qurux waayo Kafantuba waa cadaan, Madawgu laftiisuna maaha foolxumo waayo dhagax kacbaduba waa madow.
  • Qofka quruxdisa ma aha muuqaalkiisa iyo sida u muuqdo, quruxdiisu waa akhlaaqda
  • Hadii codka dheer rag lagu noqon lahaa Eyguna wuxu noqon laha Madax
  • Haka werwerin waxay dadku kugu sheegayaan waayo waxaad tahay aadame gef badan.
  • Ma jeclid in qaladka kaa dhaca in laguu saxo si adag. Adiguna iska jir arinkaasi.
  • Wakhtig tegay iyo mustaqbalku waxay isugu eeg yihiin si ka badan siday isu eeg yihiin dhibcaha roobka”. Xikmadahaqoraalada caalimka Abu-Zaid, A/rahman Ibnu khaldun

Leave a Reply