Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo lagu soo Kordhiyay Qayb cusub oo Sifeynta Kelyaha ah

0
315

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa xadhiga ka jaray qeyb cusub oo lagu kordhiyay qeybta sifeynta kelyaha ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa sheegay in qaybtan cusub ee lagu kordhiyay cisbitaalka guud ee Hargeysa ay ku deeqday dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, oo Somaliland la saaxiib ah. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in adeegyada lagu sifeeyo kalyaha ee cisbitaalku ay yihiin qaar lacag la’aan ah, oo ay dawladdu ay dusha saaratay.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargaysa oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay qeybtani u yeelan doonto bulshada gaar ahaan bukaanadii hore loogu adeegi jiray, waxaanu agaasimuhu u mahad celiyay Dawalda Imaaraadka Carabta  oo buuxisay kaalin weyn oo dhinaca caafimaadka ah.

Leave a Reply