Golaha guurtida Somaliland oo soo saaray baaq ay ku taageerayaan nabadeyntii laga gaadhay colaada degaanka Dhabar-dalool.

0
406

Hargeysa (Dawan) Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta baaq taageero ah u diray shirka nabadda ee lagu dhex dhexaadinayo laba beelood oo shaqaaqo ay ku dhex martay deegaanka dhabar dalool ee gobolka Sool.

Gole guurti ahaan waxaanu ku baaqaynaa taageero buuxdana u muujinaynaa shirkaasi lagu dhexdhexaadinayo labada beelood, waxaanu labada beelood ee walaalaha ah ku boorinaynaa inay qaataan go’aammada nabadda ah ee shirkaasi kasoo baxa, waayo nabadda wax ka wanaagsani ma jirto ayaa lagu yidhi baaqa.

Baaqu waxa kale oo intaas ku daray in goluhu uu ammaanayo sida fiican ee hawsha shirku ay ku bilaambatay.

Gebogebadiina waxa iyana golaha guurtidu ay ammaan u soo jeediyeen xukuumadda oo gacan weyn ka geysatay qabsoomida gogoshaasi nabadeed. Waxaanu ku dardargelinaynaa ayaa lagu yidhi baaqa in go’aammada shirkaasi kasoo baxa sidooda loo fuliyo, si aanay mar dambe coladdaasi u soo noqon.

Waxaana sidan lagu sheegay warqoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtida Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali.

Halkan ka akhriso

No photo description available.

Leave a Reply