Magaalada Baligubadle oo laga Daahfuray ururka Waddaniga ah Mustaqbal

0
570

Hargeysa (Dawan) Mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee gobolka Hawd ayaa ka qeyb galay daahfurka ururka mustaqbal oo lagaga dhawaaqay xarunta gobolka hawd ee Balligubadle.

Qaar ka mida dhalinayarada ku midawday ururka mustaqbal ayaa ka waramay ujeeddada ay u asaaseen ururkan, waxaana ay sheegeen inuu ka shaqayn doono arrimaha bulshada gaar ahaan bulshada danyarta ah. Waxaana ay intaas ku dareen in maamulka gobolka ay kala shaqayn doonaan arrimaha kaabayaasha horumarka ee gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax iyo Maayirka degmada Balligubadle Maxamed Cabdi Muxumed Shiine ayaa sheegay iyaguna dhankooda sheegay inay soo dhawaynayaan ururka Mustaqbal.

Waxaana ay intaas ku dareen inay dhiirgelinayaan cidkasta oo isu taagta inay u adeegto bulshada ku dhaqan gobolka Hawd.

Leave a Reply