Noocyada Iyo Hab-dhaqanka Dadka!

0
1064

Waa jir dad ay adag tahay inay saameyn ku yeelato dabeecadaha dadka xunxun ee ku hareeraysan, waxay awood u leeyihiin inay kontaroolaan fikirkooda, hadalkooda iyo dhaqankooda intaba.

Waxa jira dad hadaf  u samaysta arrin kasta oo ay ku dhaqaaqaan, uma sameeyaan howlahooda hadaf la’aan.

Nooc dadka ka mid ahi wuxu aqbala dadka dabeecadaha dadka kale haduu dabeecad xun yahay iyo haddii uu wanaagsan yahaba. Waana uu la dhaqmi karaa.

Waxa dad is dheelli tira danahooda shakhsiga ah iyo danta guud, iyagu wax kasta islam jecla , waxay jecel yihiin inay dantooda ka dhex arkaan danata guud.

Nooc kale oo Dadka ah ayaa  dulqaadkoodu badan yahay, howl kasta oo ay qabanayaan kama muuqato dagdag, waxa dhici karta inay gacan culus iyo raajin, yihiin laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, daganaansho iyo adkaysi oo aanay hawshu waxba yeelayn.

Dadka qaarkood ayaa caqabad kasta oo nolosh ah oo soo waajahada si fudud u maarayn kara iyagoon dareemin murugo iyo niyad jab midna.

Leave a Reply