Cuntooyin lagaga Badbaadi Karo Xanuunada Halista ah oo aanay Dadkeenuna Inta Badan Cunin

0
1513

Cuntooyinkan aynu ka faalloonaynaa waxay si dabiici ah hoos ugu dhigaan fursadaha iyo suurto-galmnimada ah in ay kugu dhacaab cudurrada Wadne-xanuunka, Faaligga iyo cudurrada nolosha la qeybsada dadka sida nooca 2-aad ee cudurka Macaanka ama Sokorowga. Waxay sidoo kale kaa caawinayaan in ay hoos u dhigaan heerarka kobaca miisaanka jidhkaaga, Dhiig-karka iyo Xaydha Jidhka. Waxa kale oo khasab ah inaan kuu sheego in cuntooyinkan ay aad u jaban yihiin, suuq kastana laga helo.

Noocyada Cuntooyinkan Faa’iidada Badan:

Waa raashinka u badan khudaar oo ay ku jirto macdanta loo yaqaanno Fibre. Mana aha cuntada ugu quruxda badan adduunka, laakiin daraasad ballaadhan ayaa lagu baadhayay qiyaasta macdanta Fibre-ta ee aan u baahannahay, waxaana daraasaddaas lagu helay in ay ku jiraan faa’iidooyin badan oo dhanka caafimaadka ah. “Caddeynta hadda arrintan loo hayo waa mid aad u weyn waxayna baddaleysaa fikirkii hore ee raashinka laga qabay, sidaas awgeedna dadku waa in ay imika billaabaan in ay qorshahooda ku darsadaan”, waxaa sidaas BBC-da ku yidhi mid ka mid ah cilmi baadheyaasha daraasadda sameeyay oo lagu magacaabo Barfasoor John Cummings. Waxaanu intaasi raaciyay, waxaa aad loogu yaqaannaa in aan raashin ahaan loo isticmaalin oo dadku aanay jecleyn, laakiin faa’iidooyinka caafimaad ee ku jira intaas wey ka badan yihiin.

Qiyaasta Macdanta Fibre-ta ee aynu u baahannahay:

Cilmi baadhayaasha ku sugan jaamacadda Otago ee dalka New Zealand iyo jaamacadda Dundee ayaa sheegay in dadka ay ku khasban yihiin in ay maalintii isticmaalaan ugu yaraan 25g oo Fibre ah. Hase ahaatee waxay sheegeen in ay tiradaas aad u yartahay marka la eego faa’iidada caafimaad ee ku jirta waxayna ku taliyeen in ilaa 30g la sii gaadhsiiyo isticmaalkeeda. Sidoo kale, khudrada Muuska  ayaa leh faa’iido aad u badan, iyada oo daraasaddu sheegtay in halka xabo ee Muuska ah, isla markaana culeyskeedu  gaadhayo 120g aanay wada ahayn ama aanay ka wada koobnayn maadada macdanta ah ee  Fibre oo nadiif ah. Marka diirka oo dhan laga dhilo oo ay xitaa ku jiraan waxyaabaha kale ee sokorta dabiiciga ah, waxaa kuu soo hadhaya 3g oo Fibre ah.

Inta badan dadka ku nool caalamka waxay maalintii cunaan wax ka yar 20g oo Fibre ah. Gudaha dalka Ingiriiska, tiro ka yar 1 ka mid ah 10-kii qof ee qaan gaadh ah ayaa maalintiiba cuna 30g oo Fibre ah. Celcelis ahaan dumarka waxay cunaan 17g oo Fibre ah halka ragguna ay cunaan 21g, maalintiiba.

Cuntooyinka kale ee ay ku jirto Macdanta Fibre:

Waxaad ka heleysaa Midhaha iyo Khudaarta, Roodhida iyo Baastada lagu daro maadooyinka ka kooban macdantaas. Waxaa kale oo laga heli karaa Digirta, Misirta, Gallayda iyo Hadhuudhka (Garaw). Taas oo faa’iidadeeda lagu xaqiijiyay 185 daraasadood iyo 58 tijaabo oo dhanka caafimaadka ah, natiijadu way soo baxday waxaana lagu daabacay wargeyska the Lancet medical journal.

Waxaa lagu muujiyay in haddii 1,000 qof ay baddalaan cunista raashinka ay ku jirto Fibre (ka yar 15g) oo ay billaabaan raashin laga heli karo (25-29g) oo Fibre ah, markaas waxaa hoos u dhacaya 13 ka mid ah tirada dhimashada ee caafimaad darro awgeed ku iman lahayd dadkaas, waxaana meesha ka baxaya 6 kiis oo cudurka Wadne-xanuunka ah.

Qiyaastaas la sameeyay waa inta ay socdaan daraasadahan, oo la qorsheynayo in dadka lagu sameeyo muddo 10 ilaa 20 sano ah. Waxaa sidoo kale lagu muujiyay in ay macdantaas yareyneyso heerka nooca 2-aad ee xanuunka Macaanka iyo Kansarka mindhicirrada. Faa’iidooyinka kale ee laga helana waxaa ka mid ah in ay yareeyaan heerarka miisaanka badan, Dhiig-karka iyo Xaydha Jidhka. Haddaba inta ay sii badan tahay tirada isticmaalka macdanta Fibre-ta ee ay dadka cunaan ayey ku xidhan tahay in ay xaaladdooda caafimaad sii fiicnaato.

Faa’iidada Macdanta Fibre-tu u leedahay Jidhka:

Waxa hore u jirtay fikrad ah in Fibre-ta aanay faa’iido badan lahayn gabi ahaanba, iyada oo la aaminsanaa in jidhka bani’aadanka aanu awood u lahayn inuu shiido isla markaana ay isku marmarto xiidmaha caloosha. Laakiin waxaa la ogaaday in macdanta Fibre-tu ay ka dhigto qofka sidii uu dheregsan yahay oo kale, iyada oo  saameyn ku leh habka looga hor tago naaxista Jidhka ee ka yimaada mindhicirrada yar yar. Markii ay taasi dhacdo waxay xaaladda u fiicnaaneysaa mindhicirrada waaweyn, sababta oo ah waxay Fibre-tu u gudbeysaa in ay quudiso bakteeriyada ku dhex nool halkaas. Mindhicirrada waaweyn ayaa hoy u ah balaayiin bakteeriyo ah, Fiber-ta ayaana raashi

Leave a Reply