Wax Kasta Oo Necebtay Shar Maaha!

0
930

Markii uu subaxnimadii hore kacay ee shaqada tegayay aad ayuu niyad xumma, maxa yeelay waxa ka horeeya hawl adag oo haddana canaan badan. Isla maalintaasi markii uu shaqada dhameeyay ayaa loo sheegay in ay ka dhamaatay shaqadii shirkadani oo aanu maalin danbe usoo shaqo tegin.

Aad ayuu u fikirayay intii uu guriga ku sii socday maxa yeelay iyada ayaa ahayd meesha keliya ee noloshiisa iyo tan iyo qoyskiisa uu ka soo saaro.  Laakiin intii uu dhexda ku jiray oo uu watay gaadhiga  gaboobay ayuu taayir ka banjaray, markii uu la soo baxay Taayirka kaydka ah waxa arkay in isaga laftiisuna uu banjar yahay.

Isagoo ay isagu darmeen labada murugo ayuu nin gaadhi wataa soo maray  markiiba waxa uu ka ogolaaday in uu gaadhsiiyo isaga iyo taayirkiisa goobta banjarlaha.

Markii ay is waraysteen ayuu u sheegay inuu ka tegay shaqo uu hayay oo uu ka fekerayay halkii uu biilka ka soo saari laha. Laakiin ninkan soo qaaday waxa uu maamulayay shirkada weyn isla maalintaasi  wuxu  raadinayay qof u qabta shaqada uu ninkani aqoonta u lahaa ee shirkadda laga eryaya ka qaban jiray. Waxaana uu sheegay inuu berri soo shaqo tago heshiiskana ay wada geli doonaan. Mushaharka uu u balan qaaday in uu ku shaqaynayo  ayaa ahaa mid ku laban laabamay ka uu ka qaadamauau shirkaddii laga eryay. Waxa jira waxaad necbaysto oo khayr iyo wanaag ku ah iyo waxaad jeceshahay oo shar kuu ah.

Leave a Reply