Urur Horumarinta Cisbitaalada Dawladda Gacan ka Geysta

0
361

Hargeysa (Dawan)- Xuseen maxamed Cali (Xussen Wadaadyare) oo ah guddoomiyaha ururka iskaa wax u qabso ayaa faahfaahin ka bixiyay qalab caafimaad oo ay cisbitaalada dawladda ee dalka soo gaadhsiiyeen, qalabkaas oo ah mid ay baahi weyn u qabeen isbitaalada dalku, isla markaana ay muddooyin kala duwan ay keeneen.

“Ururka Iskaa wax u qabso, waa urur ballaadhan oo ay xubno ka yihiin haldoor badan oo reer Somaliland ah waxaana ka mid ah guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud.Proff Saleebaan waxaa ka mid ah Drs Edna Adan. Waxa kale oo ka mid ah guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cali Jaamac Ibraahin Baqdaadi.”

Xuseen maxamed Cali (Xussen Wadaadyare) waxa uu sheegay in ururkan ay xubno ka yihiin dad qiimo badan oo ah labeentii reer Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan odhan karaa waxaa ururka iskaa wax u qabso ku jira oo xubno ka ah labeenta Somaliland waana dad u kacay in ay dalkooda wax u qabtaan, waxa ugu wayn een culayska saarnay na waa in aan cisbitaalada dawladda qalabayno, anaga oo hay’addo aanu xidhiidh leenahay ay maga caawiyaan dhanka qalabka, ka dibna aanu soo qaadno oo aanu dalka keenu kuns wareejino cisbiyaalada dawladda.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay hawshan wadeen muddo badan, isla markaana ay dalka hore u keeneen 25 koontaynar oo ah qalab caafimaad, waxaanu yidhi “Muddo badan ayaanu hawshan wadnay, waxaana aanu dalka keenay 25 Koonteenar oo ah kuwa 40-ka ah oo midkiiba uu u dhigmo saddex koonteenar oo kuwa caadiga ah. Imika waxaani u keenay ciidanka qaranka koonteenar 40 ah oo ah dhammaan qalab caafimaad oo aanu.ku rognay miiska saraakiisha Hargeysa, maantana taliyaha ciidanka qaranka sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaanu ku wareejinaynaa.”

 

Leave a Reply