Xukuumadda oo Sheegtay in Dalka ay ka Jirto Abaar Daran

0
326

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane ayaa amray shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka in ay tukadaan salaad roob doon ah 19-ka bishan oo ku beegan maalinta Axada ah ee fooda innagu soo haysa.

Albaani ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dedaalo Soonka iyo Alla ka cabsi iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roob-doonta islamarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahan yahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga, waxaanu xusay in wanaaga la is faro Xumahana la iska reebo.

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahnaa iskaalmayn iyo iska war-qabka jaarka iyo qoyskaaga ama qaraabadaada haddii ay tahay aad wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno “Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxariisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa” ayuu yidhi

Sheekh Albaani ayaa EEBE ka baryay inuu raxmaadkiisa u shubo Somaliland, kana faydo abaaraha kulul ee ka jira deegaamo badan, oo qaar ka mid ay xaaladdoodu adag tahay.

 

 

Leave a Reply