Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uu wareejinayo guddoomiyenimada xisbiga UCID, balse muu sheegin cidda rasmiga ah ee uu ku wareejinayo.
Guddoomiye Faysal waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay shirwaynaha 4’aad ee xisbiga UCID, oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hutel Maansoor.
Gudoomiye Faysal isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Anigu hadda waan ka degaya guddoomiyenimada xisbiga UCID, waxa imika aynu magacaabayna shir’guddoonkii inoo wadilahaa shirkan.
Guddoomiyaha Shir’guddoonku waxa uu noqonayaa 1: Siciid Cumar Axmed Gudoomiye
2: Bashiir Xamari 3: Cabdisalaan Sheekh Ibraahim Tubeec.
Waad ku mahadsan tihiin in aad saddexda masuul ee aad igu raacdeen in ay noqdaan shir’guddoonka xisbiga muddada shirku socdo”