Mudanayaasha Golaaha Guurtida Somaliland oo siweyn uga Qayliyay Qima korodhka Maceeshada ku Yimid

0
339

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa siweyn uga qayliyay qiima korodhka miiciishada ku yimid, waxanay sheegeen in aan dadka qaar dabkaba loo shidin.

Sidoo kale waxaa ay xildhibaanadu xuseen in dalku meel halis ah marayo, taas oo ay sababtay maceeshada qaali garowday, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in ay cashuur dhaaf u sameyso ganacsatada raashinka soo dejisa, si ay u jabiyaan qiimaha raashinka ee maalinba maalinta ka danbeysa cirka isku sii shareeraya.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu furay fadhigii saaka waxa uu mudanayaasha ku wargeliyay in ay ka doodaan xal u helista sicir bararka maceeshada.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, ayaa daboolka ka qaaday in aan guryaha hoostooda waxba lagu karsan oo nolosha dadku meel xun marayso, kadib markii ay goyn kari waayeen maceeshada qaali garowday. “War la iskama hayo xaafado dhan oo danyar ah ayaan waxba lagu karin, xoolihii noola lama iibsado, ninkii dhawr neef soo iibiyay gabdad raashina uma goyso.

Hadalkeenu waa hal bacaad lagu lisay oo  halkaasi ayaa lagu dhaafa, waxa aynu leenahay waxa loo baahan yahay in xukuumaddu ogaato wax kasta, maaha in lacag uun la raadiyo balse waa in bulshada hoos loo eegaa”

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa mid mid isu dultaagay qiima korodhka ku yimid raashinka noocyadiida kala duwan waxaanu yidhi. “Markaad imika eegto Somaliland gudaheeda gabdada Bariiska ahi 27-dollar ayay ahayd imika waa 33-dollar, Sonkortu 26 dollar ayay ahayd imika waa 32 dollar, daqiiqdu 26 dollar ayay ahayd imikana waa 28 dollar, Baastadu 6.5 dollar ayay ahayd imika 9 dollar, shirikaanka Saliida 18 dollar ayuu ahaa imikana waa 32 dollar,

Qiimaha raashinka la kala siisto si qayral macquul ah ayay u kordhiyeen, wasiirka ganacsiga waanu u yeedhnay oo waxa uu nagu yidhi ‘Koontiiner ayaa toban kun oo dollar noqday, sifaha uu wasiirku u hadlayo waxa aad mooda in uu u hadlayo ganacsatada, guddoomiyaha rugta ganacsiguna sidaasi ayuu yidhi, waxaad mooda labadu in ay wada socdaan.

Waxa loo baahan yahay cashuur dhimis looma baahne in bulshada hoos loo eego, oo cidda qaabilsan madaxweynuhu kala xisaabtamo oo ku yidhaaho maxay waxani ku dhaceen.

Dadkii danyarta ahaa way liitaan, oo maanta qofkii hal malyan qaadanayay raashin iibsan kari mayo, talo Qaran ayay u baahan tahay,”

“Magaalada Hargeysa goobaha qaar koobka shaaha ah waxa la kala siesta qiimaha u dhaxeeya, 6-kun, 4-kun, 3-kun  2-kun 1500-shilin, marka waxaan leeyahay bal hala isugu noqdo oo haddii maceeshadii la goyn kari waayay cunto waddanida dalkeena ka soo baxdayba hala cuno”Ayuu yidhi xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.

Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi, ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay in lacagta dalka dibediisa ay wax kaga soo iibsanayaan in ay dalka gudihiisa wax kaga qabsadaan waxaanu yidhi.“Marka inagu aynu isku filaansho sameyno oo dalkeena aynu wax kala soo baxno ayaa meeceeshaduna qiimaheedu hoos u dhacayaa, balse inta ganacsatadeenu ay camirayaan beero wadamo kale ku yaala, marka anigu waxaan soo jeedinlahaa ganacsatadu 130% waxa ay dalka dibadiisa u doonayaay dalka gudihiisa hayno geliyeen, marka siyaasad aynu ka yeelano lacagtan dalka dibediisa inooga baxaysa”

Xildhibaan Maxamuud Cali Shire, ayaa sheegay in dalku maanta meel halis ah uu marayo marka la eego sicir bararku halka uu marayo, waxaanu xukuumadda iyo ganacsatada u soo jeediyay in ay kulamo xal loogu raadinayo qiimo korodhka maceeshada ee maalinba maalinta ka danbaysa cirka isku sii shareeraya.“Dalku maanta meel halis ah ayuu sii socda xagga maceeshada, sababto ah noloshiii ayaaba cidhiidhi gashay, shidaalkii waa qaali, wixii ay dadku cunayeen oo Kimistu ugu horraysa waa qaali, halkii roodhida ahaa ayaa saddex kun oo shilin ah,  kiradiiba qaali ah, noolkii gaadiidka lagu raacayay ayaa qaali ah, noloshii miyiga ayaa qaali ah, marka waxaan soo jeedinaya dawladda iyo ganacsatadu haysu yimaadaan oo haka shiraan sidii sicir bararka dadka naafeeyay wax looga qabanlahaa”

Doodan mudanayaasha ayaa ku soo beegmaysa xilli aan wax maaro ah loo hayn sicir bararka naafeeyay bulshada.

Leave a Reply