Nuxurka Fariin uu bulshada u Diray Duqa degmada Gar’adag

0
340

Hargeysa (Dawan) Maayarka demgada Gar adag ee gobolka Sanaag Maxamed Aadan Cilmi Maxamuud ayaa ugu baaqay dadweynaha degmadaasi inay iska soo bixiyaan cashuurtii sannadka ee ku waajibtay, si wax loogu qabto.

Maayarka oo la hadlaayay warbaahinta dawladda ayaa ugu baaqay dadweynaha inay soo bixiyaan cashuuraha ku baaqday, isagoo tilmaamay in bulshadu ay ogaato in cashuurtu ay tahay mustaqbalkoodii, isla mar ahaantaana ay u aayayaan ubadkoodu.

Maayar Cilmi ayaa intaas raaciyay in dawladda hoose ee degmadu aanay waxba qaban karin cashuur la’aan, waxaana uu ku tirtirsiiyay bulshada in loo wada istaago horumarka degmada iyo bulshada ku dhaqan, isagoo ku dardaaray guud ahaan bulshada degmada Gar adag inay la shaqeeyaan dawladda hoose ee degmada.

Leave a Reply