Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Abaalmarisay Ciyaartoyda 8 Degmo

0
950

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa xaflad abaalmarin ah u qabatay siddeedii degmo ee ka qayb galay tartanka degmooyinka caasimadda Hargeysa.

Maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa Khadar Axmed Cumar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa sheegay in ciyaaruhu ay yihiin meelaha ugu wanaagsan ee laga baddalo bulshada, si loo yareeyo dambiyada iyo isticmaalka maandooriyaha.

Waxaana ay uga mahadceliyeen dawladda hoose ee Hargeysa oo maalgelisay, wasaaradda ciyaaraha oo qabatay, iyo wasaaradda warfaafinta oo baahinaysay qabsoomidda ciyaarahaasi, waxaana ay tilmaameen in sannadkasta la qaban doono.

Guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in mar walba ay ka go’an tahay sidii ciyaaraha kala duwan ee dalka loo gaadhsiin lahaa meel fiican, isla mar ahaantaana loo soo horumarin lahaa, oo ay u noqon lahaayeen qaar bulshadu ay xiisayso.

Qaar ka mid ah ciyaaryahannadii la abaalmariyay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in lagu qiimeeyo ciyaarahoodii, iyagoo sheegay in mustaqbalka ay rajaynayaan in wax weyn ay ku biiriyaan horyaallada kala duwan ee Somaliland.

Leave a Reply