Guddida xalinta khilaafka soo kala dhex galay xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ku Fashilmay

0
364

Hargeysa (Dawan)  Guddidii loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafka kala qaybiyay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ay ku fashilmeen in ay wax horumar ah ka sameeyaan isku soo dhawaynta labada dhinac.

Guddoomiyaha guddida xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane, oo warhaahinta la hadlay, ayaa sheegay in guddida uu hoggaanka u ahaa ay gabi ahaanba quus kasoo istaagtay sii wadista wadahalada labada dhinac.

Waxaanu yidhi.”Waxan ku wargalinayaa shirguddoonka golaha wakiillada gaar ahaan, iyo bulsho waynta Somaliland guud ahaan, in anaga oo ah guddidii loo xilsaaray xalinta khilaafkii sharci ee golaha ku yimid, oo waliba aan shirarkooda guddoominayay anigu shakhsiyan, aanu ku guuldaraysanay in aanu xalino khilaafkaas”

Xildhibaan Maydhane, ayaa sababta fashilka wada hadalada ku sababeeyay in labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay midkoodna laga waayay wax dabac sanaan iyo tanaasul ah.

Waxa uu sheegay in dhinac waliba uu ku adkaystay dhankiisa oo qolana in ay qolo u talowdo diiday.

Waxaanu yidhi.”Dhan waliba wuxuu ku adkaystay dhankiisa, oo midna in uu u talaabo ama si hoose wax ula eego dhinaca kale iskuma dayin”

Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isku  maandhaafsan dhaqangalnimada xeerka furista ururada siyaasada ee xeer Number 14 oo golaha horyaala.

Leave a Reply