Faysal Cali Waraabe oo markii 4’aad loo doortay Guddoomiyaha xisbiga UCID

0
522

Hargeysa (Dawan)  Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo muddo 20 sanno ah xisbigaa hogaaminayay, ayaa muddo 5 sanno oo kale ah dib loogu doortay in uu xisbigaas hogaamiyo.

Xisbiga ayaa sidoo kale doortay 6 guddoomiye ku xigeen,  Cumar Jaamac Faarax ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad, sidookale, Cali Xaamud Jibriil, Ismaaciil Faysal Qaadhuux, Siciid Cumar Axmed iyo Canab Cabdi Xirsi, ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenada ku sii xiga.

Doorashada kadib ayuu guddoomiye Faysal u mahad celiyay bahwaynta xisbiga UCID ee markale, u cumaamaday hoggaanka xisbiga, isagoo sheegay in hankiisu yahay horumarinta Somaliland.

Waxaanu yidhi guddoomiye Faysal.”Waxan idiinku mahadnaqayaa mar hadad mar 4-aad kii i doorateen oo 5 sanno oo danbe i doorateen, anigu dalkan waxan u imid in aynu Qaran noqono, oo halkaynu adduunka kaga jirnay galno”

Faysal ayaa noqonaya guddoomiyihii iyo musharixii ugu mudada dheeraa ee abid hoggaamiya xisbiyada Somaliland.

Guddoomiye nimadiisa ayaa 20 sanno jirsatay isagoo xilka xisbiga qabtay sannadii 2001 oo ahayd markii la aas aasay.

Leave a Reply