Siyaasiyiin Miisaan ku leh Dalka oo Sheegay inuu Dhaqan-gal Yahay Xeerka Furista Ururadda L. 14

0
381

Hargaysa (Dawan): Xubno ka mid ah siyaasiyiinta haldoorka ah ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland iyo garyaqaano ayaa soo dhaweeyay furista ururadda siyaasadda, waxaanay sheegeen in xeerka furista ururadda siyaasadda ee Somaliland uu yahay mid dhaqan gal ah.

Kadib kulan ay shalay isugu yimaadeen magaaladda Hargaysa xubnahaasi isugu jiray siyaasiyiinta iyo garyaqaanadda oo ay ka mid ahaayeen siyaasi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Cabdillaahi Darawal), siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Ismaaciil Hurre Buubaa, siyaasi Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo siyaasiyiin kale.

Waxaanay xubnahaasi siyaasiyiinta iyo garyaqaanadda ahi sheegeen in aan wakhtigan waxba looga baahnayn in xeerkaasi dib loogu celiyo golaha Wakiiladda oo ay ka doodaan.

Xubnahan siyaasiyiinta iyo garyaqaanadda ah ayaa kulankoodaasi kadib waxay soo saareen bayaan ay ku cadaynayaan sida ay u taageersan yihiin una soo dhawaynayaan furista ururadda siyaasadda, isla markaana lagu dhaqan geliyo xeerka furista ururadda.

Waxaana bayaankaasi warbaahinta u akhriyay garyaqaan Farxaan Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa xubnihii garyaqaanadda ahaa ee kulankaasi ku wehelinayay siyaasiyiintaasi. Waxaanu sheegay garyaqaanku in kulankaasi ay joogeen dadka u dhaq dhaqaaqa in la furro ururadda in ay ka mdaysan yihiin, isla markaana sharciga la raaco oo xeerkaasi uu sidaasi dhaqan gal ku yahay.

Waxaanu yidhi, “Dhamaan ba ururadda halkan isugu yimid oo ay tiradoodu todoba ka badan tahay waxay ka midaysan yihiin oo aanu mar walba taageeraynay, horena aanu uga hadalnay in xeerka furashadda ururadda ee xeer LR. 14 uu dhaqan galay 21-kii bishii July ee sanadkan 2021-ka. Wixii intaa ka soo hadhay, ee ama in dood la geliyo ama in la carqaladeeyaana ay tahay sharci darro”.

“Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in qabashadda doorashadda madaxtooyadda iyo furista ururadda siyaasadda, ay soo horaynayso furashadda ururadda siyaasadu. Sababta oo ah xeerku wuxuu si cad u qeexayaa, in ururadda siyaasadda la furo muddo lix bilood ah ka hor mudadda uu liisanku ka dhacayo xisbiyadda hore” ayuu yidhi garyaqaan Farxaan.

Dhinaca kale bayaanka ay xubnahan siyaasiyiinta iyo garyaqaanadda ah soo jeediyeen waxaa ka mid ahayd in marka arrimaha sharciga la isku qabto in loo gudbiyo maxkamadda sare.

Garyaqaan Farxaan, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Haddii baarlamaankii ay keeni waayeen xal sharci, waa in arrinka loo gudbiyo maxkamadda sare oo awood u leh in marka arrintu mid sharci ay noqoto ay iyadu go’aanka ugu danbeeya ka gaadho”.

 

 

 

 

Leave a Reply