Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland oo Shaaciyay Waqtiga uu Furmayo Tartanka Kooxaha Horyaallada Somaliland

0
655

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali ayaa ka hadlay waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabmayo horyaalka horyaallada Somaliland oo lagu qabanayo magaalada Berbera ee caasimadda gobolka Saaxil.

Fu’aad Axmed Cali guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa daboolka ka qaaday in tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo ay ka qayb galayaan dhamaan kooxihii kusoo guuleystay tartanadii kala duwanaa ee ka qabsoomay gobollada Somaliland Bishan aynu ku guda jirno ee December 27-keeda, kaasoo ka dhici doona magaalada Berbera ee caasimadda gobolka Saaxil.

 “Waxa uu tartanka horyaalka horyaallada Somaliland uu bilaabmayaa 27-ka December, ciyaarta ugu horeysa waxa lagu furayaa oo wada ciyaaraya kooxaha Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Kooxda Maaliyadda ee Burco.” ayuu guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali.

Leave a Reply