Hargeysa: Geerash gaadiidka lagu hagaajiyo dab ka kacay

0
691
Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab ka kacay Geerash ku yaala degmada Axmed Macalin Haaruun ee magaalada Hargeysa.
Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidiyay gaadiidka kale ee geerashkaa yaalay oo tiradoodu ahayd 25 Gaadhi, waxaana ciidanku dabkaa ku hakiyeen halkii ay ku gaadheen.
Waxaa dabku qabsaday laba gaadhi oo kala ahaa Lancruiser iyo Bas, halka gaadiidkii kale oo ahaa 25 Gaadhi ciidamadu ka badbaadiyeen dabka.
Ma jirin cid wax ku noqotay dabkaa, waxaa sidoo kalena iyaguna goobjoog ahaa Ciidanka Booliska degmada Axmed Macalin Haaruun.

Leave a Reply