Isku-duwaha W. Caafimaadka Buuhoodle Oo Kormeeray Xarumaha Caafimaad Ee Degmooyinka Gobolkaasi

0
496

Khaddar Cabdi Muuse

Buuhoodle (Dawan): Isku-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle Dr. C/raxmaan Xasan Siciid, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa maalmihii u danbeeyay kormeer shaqo ku soo maray degmooyinka gobolka Buuhoodle.

Isku-duwaha waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay saraakiil ka socday wasaarada caafimaadka ee heer gobol iyo heer qaran iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday haayadda HPA.

Waxaanay isku-duwaha caafimaadka iyo masuuliyiinta kale ee la socday ku soo mareen kormeerkoodda qaar ka mida ah xanaanooyinka, cusbitaalka guud ee magaaladda Buuhoodle iyo cusbitaalka guud ee degmadda Widh-widh.

Weftigani ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Xanaanoyinka degmada Buuhoodle sida xarunta dhexe ee  MCH-ka Buuhoodle, Naado MCH iyo Handa2  MCH, oo dhamaantood ba ku yaalla magaaladda Buuhoodle.

Weftigan uu hogaaminayay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle Dr. C/raxmaan Xasan Siciid, waxay soo kormeereen xarumaha caafimaadka ee degmadda Qorilugud, iyo MHC-ka Qorilugud, iyo sidoo kale MCH-ka degmadda Widh-widh.

Sidoo kale isu-duwaha caafimaadka Buuhoodle ayaa booqasho ku tagay xarunta TB ee magaaladda Buuhoodle, iyo xarunta TB ee degmadda Widh-widh. U jeedadda kormeerka isku-duwaha iyo xubnaha kale ee la socday ayaa la xidhiidhay u kuur galka habsami u socodka shaqada caafimaad ee degmooyinka gobolka Buuhodle.

Isku-duwaha oo kormeerkaasi kadib khadka telefanka ugu waramay Dawan, ayaa ka warbixiyay waxyaabaha caqabadaha ah ee   ka jiray xarumihii caafimaad ee ay soo kormeereen.

Waxaanu yidhi, “Baahiyadda ugu weyn ee ay qabaan xarumaha caafimaadka ee deegaamadii aanu soo marnay, inta ugu badan shaqaalaha hadda ka shaqeeya, ma aha shaqaale rasmi ah (non-paroled). Runtiina waa caqabad arrintaas”.

Dr. C/raxmaan Xasan Siciid, isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Buuhoodle, oo kormeerkaasi ka warbixinayay ayaa sheegay in ay rejaynayaan in guud ahaan gobolka Buuhoodle ay wax weyni iska bedalaan xaaladiisa caafimaad.

Geesta kale isku-duwaha caafimaadka Sool waxa uu sheegay in aanay deegaamadii ay soo mareen xarumahoodda caafimaadku haysan dhakhaatiir iyo shaqaale ku filan, isla markaana ay aad u yar tahay tiradda shaqaalaha ka mushahar qaata wasaaradda caafimaadka Somaliland.

“Cusbitaalka Buuhoodle hadda laba dhakhtar ayaa jooga oo ka hawl galla. Laakiin, waa cusbitaal ku yaalla deegaan ay dad aad u badani ku nool yihiin. Markaa laba dhakhtar ka kefayn karaan in ay wax ka qabtaan. Taasina waa caqabad kale”ayuu yidhi isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Buuhoodle.

Ugu danbayn Dr. C/raxmaan Xasan Siciid, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda caafimaadka in ay wax ka qabtaan baahiyaha caafimaad ee gobolka Buuhoodle.

“Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland wasiirka, wasiir ku-xigeenka, iyo agaasimaha guud ay ugu horeeyaan, waxaan u jeedinayaa maadaama oo deegaankani gobolka Buuhoodle, uu yahay mid ka danbeeya 90% goboladda kale ee dalka. Iyadoo aanay soo gaadhin addeegyadda caafimaadku.

Waxaan ka codsanaynaa, in ay si fiican noogala shaqayso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha caafimaad ee  ka jira gobolka Buuhoodle” ayuu yidhi isku-duwe C/raxmaan Xasan Siciid.

Leave a Reply