Dawladda Hoose ee Salaxlay ayaa bilawday Diyaarinta qorshaha horumarinta Degmada shanta sano ee soo socota.

0
618

Hargeysa (Dawan) Saraakiil ka socota Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland ee (ALGASL)  oo kala ah Abdi Ali, Fihiima Mahamad iyo Amani Yuusuf oo kaashanaya saraakiisha dawlada hoose ee Salaxlay oo uu hogaaminayo agaasimaha maamulka lacagta iyo shaqaalaha Khadar Gaas ayaa maalmihii ugu danbeeyey safar ku  marayay 27 tuulo oo hoos yimaadda dagmada Sallaxley.

Iyadoo deeganadaasi laga sameeyay Xog ururin ku saabsan baahiyaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin deeganadaasi iyagoo Masuuliyiintu  kasoo dhagaysteen bulashada ku nool tuulooyinkaasi baahiyaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Illaa haddana waxa ay xog ururin kasameeyeen tuulooyinka kala ah:

  1. Kaamtuug
  2. Ina guuxaa
  3. Laan-qeyrta Qool dhuxulaale
  4. Laan-qeyrta Cilliyo
  5. Qool buulale
  6. Libaax qawdhama
  7. Higlada
  8. Ina igare
  9. Balli ciise
  10. Balli khadar
  11. Cali aw Jaamac
  12. Raybadka
  13. Arraweelo
  14. Xadhig-Xadhig
  15. Sharmaarke
  16. Galloole
  17. Uubaale Kalabaydhka
  18. Toon
  19. Maadhyaal
  20. Hundulli
  21. Qool-caday
  22. Jagac
  23. Dhimbiriyaale
  24. Balli case
  25. Aadan Abokor
  26. Bahadhamal
  27. Xarunta Sallaxley

Ugu danbaytii, waxa dhawaan ururka ALGASL soo saari doonta Qorshaha Horumarinta Dawladda Hoose ee dagmada Sallaxley  ee loo garan ogyahay District Development Framework (DDF).

Leave a Reply