Guddoomiye Xinif oo Xadhiga ka Jaray Goob loogu Tallo galay in ay ku Ciyaaraan Carruurta Kaamka Naasa Hablood

0
636

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka oo xadhigga ka jaray goob lagu Tallo-galay inay ku Ciyaaraan Caruurta ku nool Kaamka Naaso Hablood.

Hargeysa — Xaruntaas ayaa waxa maal-gelisay hay’adda SOS, waxaana halkaas hadal; ka jeediyay Mustafe Cadow oo ah masuulka ugu sareeya hay’addaas ee Somliland, waxaanu sheegay in mashcuuracani yahay mid lagu taageerayaayo carruurta, isagoo intaas ku daray in mashaaracii kala duwan oo la xidhiidha carruurta iyo waalidka ay ka wadaan gobolada Maroodi-jeex Awdal iyo Saaxil.

Waxa iyana goobtaas ka hadlay masuuliyiin ka socday dawlada hoose ee Hargeysa iyo Cali Caliyow oo ah la taliyaha hay’adda bnarakacayaasha qaranka Somaliland, kuwaas oo soo dhaweeyay mashrucaas lagu hirgeliyay maaweelinta iyo dhiiri-gelinta carruurta, waxaanay u mahadceliyeen hay’adda SOS ee mashruucaas hirgelisay.

Ugu dambayn guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo sheegay in hay’addaasi ay xaruntaas barakacayaasha ah ay ka wadaan mashaariic kala duwan oo dhanka horumarka ah, waxaanuu intaas ku daray inay ku hawlan yihiin sidii bulshada ku nool kaamkaasi ay u heli lahaayeen dugsiyo waxbarasho.

Leave a Reply