Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Buuhoodle Kormeeray Degaanada Abaartu saameysay

0
583

Buuhoodle (Dawan) Wefti ballaadhan oo u hoggaaminayo badhosaabka gobolka Buuhoodle ayaa soo kormeeray deegaanno badan oo ka mid ah gobolkaasi oo ay ka taagan tahay xaalad abaareed iyo biyo la’aani

Badhosaabka oo ay weheliyaan qaar ka mid isu duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmada Buuhoodle ayaa waxay soo kormeereen deegaannada Meegaagle, Qorulugud, iyo Balli Callanle.

Ugu horreyn wefdigu waxay halkaasi xogta deegaanka ay kaga dhegeysteen odayaasha iyo waxgaradka bulshada deegaannadaasi, kuwaasoo tilmaamay in abaar iyo biyo la’aani baahsani ay ka jirto dhulka, isla mar ahaantaan ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah.

Badhosaabka gobolka Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay inay ka jawaabi doonaan baahiyaha ay abaartu keentay ee ka jira deegaanka, isla mar ahaantaan ay samayn doonaan biyo dhaamis, isagoo xadhiga ka jaray rugta caafimaadka ee deegaanka Balli Calanle oo aan hore u lahayn goob caafimaad, waxaana uu intaas ku daray inay ku dedaalayaan sidii adeegyada dawladda loo soo wada gaadhsiin lahaa deegaannada hoostaga gobolka Buuhoodle.

Leave a Reply