Golaha Guurtida oo Bulshada ku Boggaadiyay Illaainta Nabadgelyadda

0
337

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa bulshada ku boggaadiyay ilaalinta nabadgelyada iyo sida ay ugu dhaqmaan shuruucda iyo kala danbeynta.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in xukuumadda Somaliland, xil weyn iska saartay sugista amniga, isla markaana ay soo afjartay nabadgelyo’daraddii ka jirtay gobollada bariga Somaliland.

Dhanka kale waxa ay madaxda dhaqanka Somaliland ay ugu baaqeen in aanay ku milmin ciddii nabadgelyo’darro abuuraysa.

Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi’waraabe), ayaa hoggaanada dhaqanka fariin waayo iyo dardaaran ah warbaahinta u mariyay waxaanu yidhi. “Hoggaan dhaqameedkeeni iyo culimadeeni hore haddii meel wax ka dhacaan iyaga ayaa ka shaqeyn jiray, waxaad mooda in hoggaan dhaqameedyadan cusub iyagu dabka xaabada ku gurayaan.

Waxaan leeyahay hoggaan dhaqameedadow maaha dhaqanku caynkaase ‘hoggaan dhaqameedbaan ahay iyo dab ayaan shidayaaye dib u fadhiista’,”

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Buddeeye ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland, ku guulaysatay soo afjarida nabadgelyo’daraddii muddada badan ka jirtay gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool.“Iyada oo aanay waxba jirin ayaa la leeyahay waxba dhacaya, waxana erayada bulshada kula hadlaya dad masuuliyiin ah oo la doonayo in ay dalka iyo dadkaba mustaqbal ku yeeshaan, waxaan odhanlahaa meel aanay waxba jirin waxba lagama faadhfaadho.

Nabadgelyo’daro ma haysato dalka, waynu og’nahay gobolka Sool nabadgelyo’darada ka jirtay ee la soo gaba’gabeeyay, xukuumadda Somaliland’na ay ku guuleysatay soo gaba’gabaynteeda, madaxweynuhuna kow ka yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo wefti uu hoggaaminayaayana ay ilaa hadda ku maqan yihiin, dilkii faraha badnaa ee ka dhacayay aynu og nahay in aanu dib uga dhicin.

Gole ahaan waxa aynu u xilsaaranahay nabadgelyada ee xil aynu iska saarno, sidii aynu uga shaqeyn lahayn nabadeynta degaanka Macdanta laga qodo ee Fiqi’ayuub.”

Xildhibaan Maxamed Warsame Cali, ayaa golaha wakiillada ugu baaqay in ka gole ahaan khilaafkooda hoos u dhammeeyaan, isla markaana ay iska dayaan warbaahinta ay marinayaan hadalada kala fogaynaya. “Bulshada Somaliland waa bulsho nabadgelyada jecel, kuna dhaqanta shuruucda iyo kala danbaynta waddanka.

Saddexda gole sida shuruucda ugu dhaqmaan ayay nabadgelyadu ku jirta, maalinba dalkii oo degan iyo dadkii oo dadkii oo shaqeynaya in golayaashi qodob isku qabtaan, waliba garasho la’aan kama’aha ee iyaga oo garanaya oo ayay isku qabanayaan, taasina waxa ay keenaysa buuqa hadda taagan iyo wax la mid ah, marka waxaan leeyahay golayaashu shuruucdooda hala tagaan Meesha ay leeyihiin, hawshoodana iyaga oo aan warbaahinta marin haku dhammeystaan”

“Asbaabtii nabadgelyaduna ku daa’imi lahayd in aynu la nimaadno ayaa loo baahan yahay, ILLAAHEY oo loo shurki celiyo, loogana mahad naqo nabadgelyada uu inagu galaday.

Nabadgelyadu xagga shacabka waa ay ka sugan tahay, warbaahinta waxaan ku boorinaya inay bulshadooda u tabiyaan wararka aan nabadgelyada aan wax u dhimayn, oo waxyaabahan xajinta iyo qabiilada xanbaarsan faaf’reeb ku sameeyaa”Ayidhi xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi, oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.

Leave a Reply