Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Soomaaliya iyo Puntland oo wada socdaa ay Somaliland soo weerareen

0
320

Hargeysa (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ciidan uu leeyahay maamulka Puntland ay gobolka Sool ku dileen 6 qof oo rayid ah, isla markaana ay 10 kale dhaawaceen.

Waxaanu yidhi.”Shalay waxa jira ciidamo Somaliland kusoo duulay, ciidan beeleed iyo ciidan Puntland ah ayaa soo weeraray shacabka Somaliland ee dagan gobolka Sool, 6 qof ayay dileen, 10 dhaawacana waxa la keenay Laascaanood,”

Madaxweynaha ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay weerarka kula socotay Puntland, wuxuuna sheegay in aanu ahayn weerar hada la filayay.

Waxaanu yidhi.”Maanta maynaan filayn in Puntland iyo Soomaaliya oo wada socdaa ay Somaliland ciidan usoo diraan, oo shacabkooda abaaraha iyo jilaalka ku jiraa weeraraan, maynaan filayn, waxa laga yeelayo waynu ka tashanaynaa dowlad ahaan”

Gobolka Sool ayaa sannadkan sii dhamaanaya ee 2021 daganaa, may jirin wax isku dhac ciidan ama weeraro badan oo ka dhacay, marka laga reebo qabaa’ilo ku dagaalamay meelo kamid ah gobolka.

Leave a Reply