“Ardayda Waxaynu ka Dhisaynaa Dhinaca Diinta iyo Akhlaaqda” Wasiirka Waxbarashada JSL

0
481

“Wasaaradda Waxbarashadu iyadoo ahmiyad siinaysa Afka Hooyo waxay samaysay Xarunta Horumarinta Afka Soomaaliga”

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo ay isaga iyo masuuliyiinta kale ee wasaaraddu ku marti ahaayeen barmaamujka bandhiga waxqabadka iyo isla-xisaabtanka xukuumadda iyo bulshada, ayaa si mug leh uga waramay mashaariic kala duwan oo ay fulisay wasaaraddu sannadihii la soo dhaafay iyo kuwa qorshaha ugu jira.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Axmed Maxamed Diiriye Toorno iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddu waxa kale oo ay dadweynaha ka qaybgalay barmaamujka uga jawaabeen su’aallo kala duwan oo ay waydiiyeen, iyagoo si waafi ah ugu sharaxay.

Ka hor warbixinta masuuliyiinta, waxa halkaasi wasaaraddu ku soo bandhigtay barmaamuj muuqaal ah oo lagu soo koobay waxqabadka Wasaaradda, kaasoo qodobada ugu waaweyn ay kamid ahaayeen diyaarinta iyo hirgelinta Manhajka waxbarashada dalka, dardar-gelinta iyo kobcinta waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, dhismeyaal iyo mashaariic waaweyn oo kale oo lagu horumariyey waxbarashada qaybaheeda kala duwan.

Sidoo kale, Wasiir Toorno mar uu hadlayey waxa uu shaaca ka qaaday in korodhka xarumaha waxbarashada sare, gaar ahaan jaamacadduhu ay faa’ido weyn u leedahay dalka, wasaaradduna daba-gal, kormeer iyo qiimeyn ku samayso tayada tacliinta ay bixiyaan.

“Waxa aan ku deddaalaynaa in Ardayda laga dhiso xaga Diinta iyo akhlaaqda”ayuu yidhi mudane Toorno oo intaa ku daray “Wasaaraddu waxay samaysay nidaam loogu talo-galay in baaqa Ardayda si dhakhso ah looga jawaabo waxa aan u samaynay lambar lagala soo xidhiidho, lambarkaas oo ah 966 looguna talo-galay in ay ardaydu ka soo hadli karaan”

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) qodobada kale ee uu taabtay waxa kamid ahaa “Dadka Shaqaalaha ah ee ku soo baxa liiska saxda ah ee nidaamka soo mara anigu ka dhex baadhi maayo mid aan wax u ahay oo ka saari maayo”

Dhinaca ilaalinta afka Soomaaliga, ayuu ka hadlay “wasaaraddu iyadoo ahmiyad siinaysa afka Hooyo waxa ay samaysay Xarunta Horumarinta Afka Soomaaliga”

Leave a Reply