Shaqaalaha Wanaagsan Ma Bedelo!

0
899

Henry Ford waxa uu ahaa aasaasaha shirkadda weyn ee gaadiidka samaysa ee lagu magacaabo “Ford Motor Company”. Mar la weydiidyay sababaha guushiisa horseeday waxa uu sheegay inay guusha u horseedeen shaqaalaha wanaagsan ee uu haysto.

Waxa uu sheegay in shaqaalaha qof kasta halka uu ku wanaagsan yahay ee aqoon iyo khibrad u leeyahay in uu ka shaqo geliyo.

Weligay ma bedelin shaqaale ku fiican goobta uu ka sheqeeyo waana aan ku dhiirgeliya oo weliba ku abaal mariya. Arinkaasi waan ka horseeday in aan guulaysto. Guushaydu maaha aniga waa midnimada iyo aqoonta shaqaalahayga. Koox kasta oo wanaagsani waxa ay keenta horumar, bulshadana wanaageedu waxa uu keenayaa horumarkooda.  Halku dhiga shaqada ee Ford ayaa ah :” Ha raadin khaladka, hel dawada. Qof kasta waa caban karaa”

Leave a Reply