Buuhoodle: Dugsi Waxbarasho oo Laga Dhagax-dhigay Hagoogane

0
629

Buuhoodle (Dawan)- Badhasaabka Gobolka Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdule iyo isu duwaha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolkaas ayaa si wada-jir ah u dhagax-dhigay Dugsi waxbarasho oo laga hirgali-nayo Deeganka Hagoogane.

Waxgaradka, odoyaasha, waayeelka aqoonyahanka, haweenka iyo guud ahaan Bulshada deegaanka Hagoogane,    ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhismaha dugsina waxbardasho ee laga hirgelinayo deegaankaasi, waxaanay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqeen mashruucan dhismaha dugsiga waxbarasho ee loo hirgeliyay.

Isu-duwaha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee gobolka Buuhoodle Cabdikariin Ducaale Qambi ayaa hadal kooban ka jeediyay munaasibadii dhagax-dhiga dugsigaasi, waxaanu yidhi “ halkan waxanau ku dhagax-dhigaynaa dugsi waxbarasho oo loo hirgelinayo deegaanka Hagoogane, waxaa halkan nagula sugan badhasaabkii iyo isu duwayaashii gobolka Buuhoodle.

Deegaankan Hagoogane waa deegaan in badan la degenaa, waxaana hore uga furnaa iskuul maraya fasalka afraad, kaas oo lagu dhigan jiray Geed hoostii. Nasiib wanaag waxaa la dhagax-dhigayaa dugsigii ay wax ku baran lahaayeen ardaydaasi.

Waxaannu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland oo hirgelisay dugsigan oo ay bulshada deegaanku baahi weyn u qabtay.”

Badhasaabka Gobolka Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdule ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibadii dhagax-dhiga dugsiyaasi, waxaanu yidhi “ waxaanu dhagax-dhigaynaa dugsigii waxbarashada deegaanka Hagoogane, iyada oo hore ardayda wax loogu dhigi jiray geed hoostii, isla markaana ay baahidaasi ka soo jawaabtay wasaarada waxbarashada Somaliland”

 

Leave a Reply