Xukuumadda Somaliland oo meel adag iska taagtay qoraal ay baahisay hay’adda UNICEF

0
851

Hargeysa (Dawan) Xukuumada Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixisay qoraal, ay baahisay hay’adda carruurta adduunka ee UNICEF, kaasi oo ay magaalada Borama ku sheegtay gobol Soomaaliya ka mid ah.

Qoraalka oo lagu baahiyay barta Twitterka ee hay’adda ayaa markiiba laga saaray, kadib markii ay wasaarada arrimaha dibada Somaliland ugu hanjabtay in ay talaabo ka qaadayso hay’adda iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa.

Waxaana lagu yidhi qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.”Qoraalka  hay’adda ay UNICEF ka qortay ololaha COVID-19, ee ay Boorama u nisbaysay Soomaaliya waxa ay ka hor imanaysaa qaabka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo dowlada Somaliland, waxa ay meesha ka saaraysaa kalsoonida, waana wax aan la aqbali karin!”

Qoraalka waxa kale oo lagu sheegay.”Wasaarada arrimaha dibada Somaliland waxay si rasmi ah u soo gudbin doontaa arrintan iyada oo loo marayo marinada ku habboon”.

Qoraalkan ayaa tan iyo markii ay hay’adda UNICEF Soogalisay bogeeda Twitter, cadho ka dhex abuuray bulshada Somaliland ee aaladan isticmaasha.

Dadka ayaa soo qorayay erayo ay kamid yihiin “UNICEF laag halagaga saaro waddanka”, halka qaar kale la haayeen “UNICEF dagaal Somaliland ka dhan ah ayay ku dhawaaqday”.

Qoraalka oo ay hay’addu baahisay laba cisho ka hor, ayay kaga hadlaysay qaybo kamid ah bulshada Borama oo qaatay tallaalka Covid-19, iyadoo Borama u nisbaysay magaalo Soomaaliya ku taala “Bulshada ku nool magaalada Borama ee Soomaaliya ayaa qaadanaya tallaalka Covid-19”.ayaa lagu yidhi qoraalka hay’adda UNICEF baahisay.

Leave a Reply