Mudanayaasha Guurtida oo bulshada ku Booriyay sidii Biyaha Roobka uga Faa’idaysan lahaayeen

0
331

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa bulshada ku booriyay sidii ay uga faa’idaysan lahaayeen biyaha roobka Gu’ga.

Xildhibaanadu waxa ay ku baaqeen in la sameeyo biyo xidheeno, dhaamam, mijarooro guryaha loo sameeyo, sidoo kalena la dayactiro barkadaha dadka xoola dhaqatadu biyaha ka cabaan.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in aan bulshada Somaliland, ka faa’idaysan biyaha roobka Gu’ga ee sida macno la’aanta ah maalin walba badda galaya, isla markaana marka xilliga Jilaalka sida fiinta uga qayliya biyo yaraanta iyo abaarta soo noq noqota.

Waxaanay mudanayaashu sidan ka sheegeen doodii arrimaha bulshada, qodobka biyaha.

Waxaana fadhiga golaha shir’guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, oo hareer fadhiyay guddoomiye ku xigeenka koobaad mudane Siciid Jaamac Cali.

Xildhibaan Axmed Aadan Qalinle, ayaa soo jeediyay in biyaha badda galaya qorshe midaysan laga yeesho waxaanu yidhi. “Baahida biyaha ee soo noq noqotay si aynu uga baxno waxa loo baahan yahay in biyaha qulqulaya ee badda galaya aynu qabano, waana in aynu u sameyno dhaamam iyo meelo biyo xidheena ah”

Xildhibaan Baddel Sheekh Khaliif, ayaa tusaale u soo qaatay Mijaroor uu gurigiisa ka sameeyay iyo faa’iidada uu ka dhaxlay.“Toddoba bilood oo imika roobku da’ayay anigu biyo maan iibsan, Mijaroor wanaagsan uunbaan sameystay taangigii biyahana afka uunbaan u galiyay, inta roobkasta da’ayaba iyaga ayuunba la iska cabayay, biyo ka fiicnaana may jirin.

Marka waxaan soo jeedinaya in dadku ay sameystaan Mijarooro ay kaga faa’idaystaan biyaha roobka Gu’ga,”

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan, wasaaradda reer miyiga ugu baaqay in mashaariicaha ay ka fulinayso degaanada Miyiga ay xooga ku saarto sidii dadka loogu sameynlaha goobo biyo qabatin.“Si biyo la’aanta abaarta ka dhalata looga baxo waa in la sameeyo, waa in Baliyada la badiyo, oo wasaaradda reer miyiga mashaariicda ay ka fulinayso degaanada Miyiga dhaamam dadku biyaha ka cabaan, oo dhab ahaantii bajadkeedu iskaba yar yahay”

Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xuseen, ayaa ku booriyay bulshada xoola dhaqata ah in ay qoys iyo neef xoola ah iska bixiyaan si ay dhamaam biyaha u qabta xilliga Gu’ga ay ugu sameystaan waxaanu yidhi. “Maalintii tiixa roobku qaaday iyada oo muddo kooban laga joogo ayaa ay bilaabantay qayla dhaanta biyo la’aanta iyo abaartu, taasina waa tamar daro la’aan ee maaha wax ILLAAHEY inoo keenay, roobka 8 bilood da’ayay ayaa laga biyo la’yahay.

Haddii imika dhaamamka waa weyn ee xuduuda ku teedsan la hagaajiyo intuba waa ay buuxsami lahaayeen oo barkadaha ayaa buuxsamilahaa, balse Oktobar ayaa roobkii qaaday waana la biyo la’yahay yaa la eersanaya!?.

Dadka xoola dhaqata ah waxaan u soo jeedinlaha haddii qoys iyo neef xoola ah aad iska bixisaan dhaamamka biyaha waad qodan kartaan, isla markaana waydun banneyn kartaan”

Leave a Reply