“Farmaajo miyuu ogolaaday madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland?”Afhayeenka xisbiga KULMIYE

0
500

Hargeysa (Dawan)  Afhayeenka xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo ka jawaabay eedo uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI u jeediyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in Xirsi uu ku ka cay sharci jabin.

Buuni, ayaa ixtiraam daro ku tilmaamay hadalka uu guddoomiye Xirsi ku sheegay in madaxweyne Muuse  Biixi Cabdi, uu sito baasboor dal shisheeye, isagoo sheegay in uu ku gafay qodobo dastuurka ka mid ah.

Waxaanu yidhi.”Waxad tidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland waa ajaanib, waa eray afka ka weyn, waana danbi culus mana aad xishoon oo waxba maad qadarin mar hadad tidhi dalkan ajaanib ayaa xukuma, mar haddii aad u badheedhay in aad beeniso qodobka 82 iyo qodobka 93 ee Dastuurka Jamhuuriydda Somaliland, waa danbi aan u dhaafayno oo u yaala hay’addaha dastuuriga ah”

Buuni waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay.”Marka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aad ku sheegtay ajaanib adigu ma muwaadin ayaad noqonaysa?”

Afhayeenka ayaa Xirsi Cali Xaaji Xasan ku eedeeyay in uu saamayn ku leeyahay guddoomiyaha golaha wakiillada, isagoo ku eedeeyay in uu akhriyay wax aan ku qornayn waraaqaha xasuus dhowrka golaha wakiillada.

Waxaanu yidhi.”Xirsi wuuxuu yidhi guddoomiyaha golaha wakiillada aniga ayaa leh, oo aarkiifiyada (xusuus dhawr) golaha wakiillada warqadaha aan kasoo qaatay waxa ku qoran iyo waxa uu afkiisa ka yidhi ay aad iyo aad u kala duwanayd”

Buuni ayaa dhinaca kale, Xirsi ku eedeeyay in uu difaacay madaxweyne Farmaajo waxaanu yidhi.”Waxan ogahay shacbiga Somaliland sida ay uga xumaadeen, difaaca aad difaacday Farmaajo, Farmaajo miyaanu ahayn cadowga kowaad ee Jamhuuriyada Somaliland, ‘Miyuu ogolaaday madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland?”.

Xirsi oo todobaadkii hore ka jawaabayay hadal uu madaxweynuhu ku duray muddo dhaafka madaxweyne Farmaajo, ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu isaguba sharciga jabinayo.

Leave a Reply