Wasiirka Deegaanka Somaliland iyo Wefti Maraykanka ah Oo Kormeeray Xarunta Xaanaynta Harimacadka Geed-deeble

0
529

Lagu xanaaneeyo ama lagu daryeelo xayawaanka duur joogta ah waxay ka qayb qaataan kordhinta dhaqaalaha dawladaha caalamka qaarkood iyo sidoo kale in ay kor u qaado in dalkaasi uu noqdo mid caan ka ah dunidda.

Xarumaha xanaanaynta duur joogta ee loo yaqaano Zoo-ga ayaa dalal badan oo caalamka ah waxay ka dhigeen kuwo si weyn loo yaqaano, maadaama oo ay dalxiiseyaal ka kala yimaadda wadamo fara badan ay u dalxiis tagaan.

Waxaana jirta in dalxiiseyaasha u daawasho taga beeraha lagu xanaaneeyo xawayaanka duur joogta ah in wadamadda ay ku yaalaan ama leh beeraha xanaanaynta xayawaanku in ay dhaqaale aad u badan ka helaan dalxiiseyaasha u daawasho taga.

Somaliland ayaa sanadahan danbe waxay ku dedaalaysay sidii ay u samayn lahayd goobo lagu xanaaneeyo noocyadda kala duwan ee xayawaanka duur joogta ah, iyadoona la diyaariyay goobo loo qorsheeyay in laga hirgeliyo xarumaha xanaanaynta xayawaanka.

Waxaana hirgelinta mashruucaasi lagu samaynayo xarumaha xanaanaynta xayawaanka si weyn ugu hawlan wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland oo diyaarisay dhawr goobood, kuwaasoo qaarkood uu imika gebagebo ku dhaw yahay dhismahoodu.

Degaanka Geed-deeble ee woqooyiga magaaladda Hargaysa ayaa loo asteeyay in laga hirgeliyo xarun lagu xanaaneeyo duur joogta gaar ahaana xayawaanka loo yaqaanno Harimacadka oo la rumaysan yahay inuu dunida ka sii dabar go’ayo.

Waxaana halkaasi dhawr bilood ka hor laga dhagax dhigay hirgelinta xaruntaasi loogu tallo galay xanaanaynta Harimacadka, iyadoona uu dhagax dhigay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).

Waxaana Saylici, dhagax dhiga xaruntaasi ku wehelinayay wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Hirgelinta xarunta xanaanaynta Harimacadka ee Geed-deeble oo weli dhismaheedu uu socdo waxaa dhaqaalaha ku baxay ka taageeraya xukuumadda Somaliland sanduuqa daryeelka Harimacadka ee loo soo gaabiyo CCF, iyo haayado kale oo caalami ah.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasiirka degaanka iyo iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland iyo wefti ka socday dawladda Maraykanka oo  14-kii bishii December ee ina dhaaftay soo kormeeray xarunta xaanaynta Harimacadka ee degaanka Geed-deeble ee woqooyiga Hargaysa

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, agaasimaha haayadda CCF iyo wefti ka socday dawladda Maraykanka ayaa 14-kii bishii December ee sanadkii ina dhaafay ee 2021-ka kormeeray xarunta xanaanaynta Harimacadka ee magaaladda Hargaysa.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxaa soo dhawaynta weftigaasi iyo kormeerkaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/kariin Aadan Cadde, iyo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradaasi C/naasir Xuseen Siciid.

Sidoo kale waxaa soo dhawaynta iyo kormeerka xarunta Harimacadka qayb ka ahaa masuuliyiinta haayadda CCF, oo ay ka mid ahayd agaasimaha haayadaasi Dr. Laurie Marker, iyo xubno kale.

Weftigani ayaa ka socday dawlada Maraykanka gaar ahaana xubno ka mida gudidda Arrimaha Dibada baarlamanka Maraykanka, kuwaasoo booqasho shalay ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

U jeedadda socdaalka ay Somaliland ku yimaadeen weftigan ka socday waaxda arrimaha dibadda ee baarlamaanka Maraykanka ayaa la xidhiidha sidii ay Somaliland gaar ahaana wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ugala shaqayn lahaayeen  mashaariicda ilaalinta iyo daryeelka duur joogta iyo deegaanka.

Waxaanay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo masuuliyiin ka socday haayadda CCF, iyo weftigan ka socday Maraykanka kormeer ku tegeen xarunta xanaanaynta Harimacadka ee magaaladda Hargaysa.

Xarunta xanaanaynta Harimacadka oo ku taalla dhnaca koonfureed magaaladda Hargaysa si wada jira gacanta ugu haya wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland iyo haayada Cheetah Conservation Fund (CCF).

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wasaarada, xubnaha ka socday CCF, iyo baarlamaanka Maraykanka ka socday ayaa kormeer indho indhayn ah ku soo mareen qaybaha kala duwan ee ay xaruntaasi ka kooban tahay, taasoo lagu xanaaneeyo Harimacad fara badan.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka degaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay weftigan ku soo dhaweeyaan dalka Somaliland gaar ahaana xarunta xanaanaynta Harimacadka.

Wasiir Shukri Baandare, waxay tilmaantay in ay mar kastaba diyaar u yihiin soo na dhawaynayaan cidkasta oo Somaliland xidhiidh la samaynaysa.

Geesta kale weftigan ka socday Maraykan ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay yimaadaan Somaliland, isla markaana kala shaqayn doonaan arrimaha daryeelka iyo ilaalinta deegaanka, duur joogta iyo mashaariic kale oo kala duwan.

Mashaariicdaasi iyo hawlahaasi kalena ay diyaar u yihiin in ay kala shaqayn doonaan dawladda Somaliland gaar ahaana ilaalinta iyo daryeelka duur joogta.

Weftigani ayaa ka socday dawlada Maraykanka gaar ahaana xubno ka mida gudidda Arrimaha Dibada Baarlamanka Maraykanka.

Waxaana xubnaha weftigaasi ka mid ahaa, Elizabeth Lewis (Sen. Risch), Donna Charles (House Foreign Affairs Committee), Piero Tozzi (Rep. Chris Smith), Cole Rojewski (Rep. Kay Granger), Scott Graber (Sen. Lindsay Graham), iyo Chris del Beccara (Rep. Michael McCaul, Ranking Member House Foreign.

Dhinaca kale weftigani oo maalmo ku sugnaan doona Somaliland ayaa la filayaa in ay sidoo kale ka qayb geli doonaan dhagax dhiga xarunta xanaanaynta duur joogta ee Geed-deeble.

Taasoo la qorsheeyay in todobaadkan la dhagax dhigi doono, xaruntaasi oo la qorsheeyay in lagu xanaaneeyo Harimacadka.

Leave a Reply