Madaxda sare ee golaha wakiillada Itoobiya ayaa ka dooday xaalada uu ku jiro Dalkaasi

0
552

Adis-ababa  (Dawan) Masuuliyiinta sar sarre ee golaha shacabka  DDSI ayaa ka hadlay xaalada uu ku sugan yahay waddanka Itoobiya.

Doodan ayaa hayd mid masuuliyiintu diirada ku saareen  mawduuca “Guusha waarta ee barwaaqada iyo caqabadaha dagaalka iyo dib u habeynta”.

Ra’iisul wasaaraha dalka Tesfaye Beljige oo khudbad ka jeediyay madasha doodda ayaa xusay in dalka uu ka baxay halistii uu dalku ku jiray, hoggaanka sarena uu ku hoggaaminayay si dhow oo habeysan. .

Mr. Tesfaye ayaa tilmaamay in diirada ugu weyn ee dooda ay tahay sidii loola dagaalami lahaa dhibaatooyinka gudaha iyo dibadda ee ka dhalan kara dagaalka kadib iyo sidii Itoobiya loo gaadhsiin lahaa meel wanaagsan.

Inkastoo fowdada iyo burburka uu keenay dagaalku ay adag tahay, haddana waxaa la isla qaatay sidii looga faa’ideysanlaha fursadaha wanaagsan.

Goluhu waxa uu shaaca ka qaaday in abaabulka iyo samaynta hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee ku burburay dagaaladu, ilaalinta midnimada ummadda iyo xaqiijinta nabad-gelyo sugan iyo xaqiijinta horumarka Itoobiya ay tahay jihada xigta ee diiradda lagu saari doono.

Leave a Reply