Gobollada iyo Degmooyinka Dalka Somaliland oo lagu Qabanyo Wacyigelin la xidhiidha Ilaalinta Anshaxa Suuban

0
548

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaan, iyo guddida horumarinta dhaqanka iyo anshaxa suuban, ayaa ka shiray sidii guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka looga fulinlahaa wacyigelin la xidhiidha ilaalinta anshaxa.

Guddoomiyaha guddida horumarinta dhaqanka iyo anshaxa suuban Cabdi Xasan, ayaa bulshada ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii meel looga soo wada jeesanlaha cidkasta oo  isku dayda in ay la timaado wax wax yeelaya anshaxa iyo dhaqanka suuban.

Guddoomiye Cabdi Xasan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Halkan waxa joogta guddida horumarinta dhaqanka iyo anshaxa suuban.

Waxa aanu sameyna wacyigelin la xidhiidha sidii bulshada oo dhallinyaradu kow ka yihiin ay uga waantoobi lahaayeen wixii xun.

Nuxurkuna waxa uu yahay in gobollada iyo degmooyinka dalka laga sameeyo wacyigelin la xidhiidha anshaxa suuban iyo ilaalinta dhaqanka.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta waxa aanu ka wada hadalay sidii bulshada looga wacyigelinlahaa dhaqanada xun xun, bulshadana waxa aanu ugu baaqayna in wixii wanaagsan gacmaha la isu qabsado, taas oo dalka iyo dadka iyo dhaqankeenaba lagu horumarinayo,”

Leave a Reply