Maxay yihiin labada caqabadood ee ugu weyn ee uu raysal wasaaraha Pakistan sheegay in ay wajahayso dunida Muslimka?

0
658

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in musuqmaasuqa iyo dambiyada galmada ee sii kordhaya ay yihiin labada caqabadood ee ugu weyn ee wajahaya dunida Muslimka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee PTI, waxa uu sidan ku sheegay dood uu la yeeshay culimaa’uddiinka ugu sarreeya caalamka oo ka doodayay mawduuca ‘Riyaasat-e-Madina, Bulshada iyo Soo noolaynta Anshaxa’.

Doodan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Rexmatul-liil-calamiin ee ay dhawaan aas-aastay Hay’adda Qaranka ee NRAA.

Horaantii bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Imran Khan waxa uu amray in cilmi baaris lagu sameeyo sidii dadka loogu gudbin lahaa farriinta Noloshii Nebi Moxamed NNKH . Culumaa’udiinkii ka qeyb galay munaasabadda ayaa iyaguna soo jeediyay aragtidooda.

Culimo badan oo doodda ka qayb gashay ayaa iyaguna aragtidooda ka dhiibtay sidii dhalinyarada looga ilaalin lahaa saamaynta baraha bulshada iyo in caqiidada iyo qiyamka diintu ay qayb ka noqdaan noloshooda.

Raysal wasaare Imran Khan ayaa munaasabada ka sheegay in ay jiraan laba nooc oo dambiyo ah oo bulshada Muslimiinta dhexdeeda ah ka jira. “Waxaa Musuqmaasuqa dambiyada la xiriira kufsiga. Dambiyada galmadu si xawli ah ayay ugu faafayaan bulshadeena, tusaale ahaan, dhacdooyinka kufsiga iyo xadgudubka galmada ee gabdhaha yaryar. Boqolkiiba hal keliya ayaana kiisaska la diiwaan geliyay.”

Imran Khan ayaa si dadban u weeraray Nawaz Sharif, madaxa xisbiga Pakistan Muslim League Nawaz Party, “Waxaan aaminsanahay in bulshada ay ku qasbanaan doonto inay la dagaalanto 99-ka kale.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa noqday 72 sano jir, waxaana uu ku noolaa magaalada London tan iyo bishii November ee sanadkii 2019-ka.

Dhab ahaantii, Maxkamadda Sare ee Lahore waxay u ogolaatay inuu u tago London afar toddobaad si loo daweeyo. Sharif, oo saddex jeer soo noqday ra’iisul wasaare, gabadhiisa Maryama iyo wiilka uu soddogga u yahay ee Muhammad Safdar ayaa lagu xukumay kiiska hantida Avenfield bishii Luulyo 2018.

 

Isagoo arrinkan ka hadlayana wuxuu cambaareeyay canaasiirta reer galbeedka ee hadallada xunxun ka sheegay Islaamka. Wuxuuna ku tilmaamay weerar lagu soo qaaday diinta.

Sheekh Xamza Yuusuf oo ah caalim Mareykan ah ayaa sheegay in musuqmaasuqu uu la mid yahay tufaax qurmay. Waxa uu sheegay in musuqmaasuqa uu bulshada baabi’in karo.

Wuxuu sheegay in saameynta musuq-maasuqa uu ku leeyahay dadka iyo bulshada sidoo kale lagu sheegay qur’aanka kariimka ah.

Isagoo aragtidiisa ka dhiibtay, wuxuu sheegay in diinta Islaamka ragga loo dhiibay masuuliyadda daryeelka haweenka iyo carruurta. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dhalinyarada la baro ixtiraamka haweenka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ku sheegay in marka horeba aydaan tegin meelaha aan laguu talagelin inaad tagto. Tani waxay khusaysaa marka hore ragga, mana eedayn karno dhibbanaha. Laakiin isla mar ahaantaana, haweenku waxay sidoo kale u baahan yihiin inay fahmaan in ay jiraan yeey dhab ah oo bannaanka joogta.

Dr. Abdal Xakim Muraad, oo ah madaxa Jaamacadda Muslimiinta ee Cambridge, ayaa sheegay in macluumaadka laga helayo mobilada ay tahay caqabadda ugu weyn ee xilligan taagan. Gaar ahaan marka la eego jiilka soo koraya.

Dr Cismaan Bakar oo ka tirsan Jaamacadda Malaysia ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo iswaafajin u dhexeeysa diimaha iyo dhaqanka. Wuxuu rajo ka muujiyay in tani ay keeni doonto xasilooni bulshada dhexdeeda ah.

Sheekh Cabdallah Bin Bayyah, oo ah guddoomiyaha golaha Fatwada ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa yiri “Waxaan ku jirnaa xilligii caalimiyadda iyo baraha bulshada, Internetka ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhalinyarada”.

Leave a Reply