“Siyaasadda in Laysku Qabtaa waa Arrin Wanaagsan, inaan Urur Furtaana….” Dr Gaboose

0
465

Dr Gaboose Oo Ka Hadlay Hankiisa Siyaasadeed iyo Go’aanka Maxkamadda Laga Sugaayo

Qore: Saciid Cagjar

Hargeysa-(Dawan)- Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah Siyaasiyiinta  Somaliland xilalka wasiirnimona kasoo qabtay  ayaa sheegay in korniimo laga helo khilaafyada Siyaasadeed.

Dr Gaboose ayaa soo dhaweeyey in xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradku ay isku khilaafaan furista ururrada siyaasadda, waxaanu yidhi “in arrimaha siyaasadda laysku qabtaa waa arrin wanaagsan waayo mawduucyada laysku hayo waxaa ka dhalanaya dood, aqoon, fikrad iyo waayo arragnimo. marka dambe waxa laga dhaxlayaa korniimo qaran”

Dr Gaboose oo Telefishanka Maxaliga ah ee SAAB TV waydiiyey in uu furanayo urrur siyaasadeed ayaa sheegay in uu ka war sugayo Maxkamadda sare go’aanka ay kasoo saarto.

“Dariiq walba oo aan maro dadku (Aqoon-yahanku) waxay igu leeyihiin dalku wuu kuu baahan yahay ee siyaasada haka bixin, markaa Salaad walba wakhtigeeda la tukadaaye marka maxkamadu go’aanka ku dhawaaqdo ayaan sheegi doona inaana Urur furanayo iyo in kale”. Ayuu yidhi

Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aan hadda ku jirin saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira

 

Leave a Reply