Shir Caafimaad oo Jaamacadaha Geeska Afrika uga Furmay Cammuud

0
279

Qore: Maxamuud Walaaleeye

Boorama-(Dawan):- Kulan caafimaad oo ay ka qeybgaleen Jaamacadaha wadamadda Geeska Afrika oo muddo saddex maalmood ka socday jaamacada Cammuud ee magaalada Boorama ayaa maanta la soo gebagebayn doonaa.

Kulankaas oo cinwaan looga dhigay “Hal Shir Caafimaad ee Jaamacadaha Geeska Afrika” oo ay ka soo qeybgaleen jaamacadaha Wadamada Geeska Afrika, ee Somaliland, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya, halka  Jaamcada Liverpool ee UK, hay’adaha UN, iyo kuwa INGO’s iyo kuwa maxaliga ah, iyo Wasaaradaha Deegaanka, Caafimaadka iyo Xoolaha ayey ka soo qeybgaleen khubaro iyo dhakhaatiir kala duwan ayaa lagu soo qaaday mowduucyo muhiim ah oo la xidhiidha caafimaadka.

Agaasimaha Cilmi Baadhista iyo Adeegga Bulshada ee Jaamacada Camuud Mr. Yuusuf Cabdi Xareed oo ah Gudoomiyaha Shirka oo ka hadlay muhiimada kulanka caafimaad oo Jaamacadaha Geeska Afrika iyo xeel-dheerayaal caalamka ka yimi ka soo qeybgaleen ay maalintii labaad ee shalay ay shan wadan ku soo badhigeen cilmi-baadhisyo ay ka sameeyeen mideynta xanuunada deegaanka, xoolaha iyo dadka ee “Hal Caafimaad”

Waxuu kaloo sheegay in shirkan oo u dhacaya habka fool-ka-foolka iyo habka fogaan-araga la yeeshay dood ku saabsan baahida mideynta kaabayaasha deegaanka, xoolaha iyo dadka, isla markaana laga soo saaray go’aamo dhaxal-gal ah

Agaasimaha Cilmi-baadhista Jaamacada Camuud ayaa sheegay in lagaga hadli doono maanta oo shirku soo xidhmi doono waa maxay muhiimada loogu baahan yahay shabakad (network) isku xidha Jamacadaha Geeska Afrika iyo sidii ay u yeelan lahaayeen heshiisyo iskaashi oo mustaqbalka u wada shaqeyn doonaan, isla markaana gudoomiyeyaasha Jaamacadaha Geeska Afrika qaarkood ka qeybgeli doonaan.

Dhakhaatiir kala duwan oo kulanka ku soo bandhigay  baadhis ay sameeyeen ayaa Dr Aamina Xuseen ka hadashay baadhis ay ku saameeyeen xanuunka Covine TB, xanuun ku dhaca xoolaha, gaar ahaan Lo’da iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dadka, oo caanahooda, hilibkooda u gudbin karaan.

Prof Mirgisa Kaba, oo ah dhakhtar ka socday dalka Itoobiya ayaa ka hadlay saamaynta isbedelka cimiladu ku yeelatay xoolaha iyo dadka, soona bandhigay siyaabaha lagaga gaashaaman karo, oo uu ku sheegay in wacyigelin bulshada ee isbedelka cimilada, oo keenya hoos-u-dhaca xoolaha, biyaha iyo dhirta tayada leh.

Kulankan oo  maanta la soo gebagebayn doono ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aamo dhaxalgal ah oo la xidhiidha wax-ka-qabashada xanuunada saameeya deegaanka, xoolaha iyo dadka, loona abuuri lahaa urur ay ku midoobaan jaamacdaha Geeska Afrika.

 

Leave a Reply