Wasiirka Isgaadhsiinta oo kulan la yeeshay Ururka Mareegaha Somaliland ee SOMA

0
236

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi-weli Sheekh Cabdilaahi  Suufi Jibriil iyo hoggaanka Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland_Online_Media_Association (SOMA) ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradaas ee Magaalada Hargeysa Salaasadii shalay.

Kulankaa ayaa lagaga wada hadlay qodobbo muhiim u ah wada-shaqeynta heer qaran illaa heer Wasaaradeed iyo Warbaahinta Online-ka. Waxaanu Wasiirku hoggaanka Ururka SOMA uga xog-waramay halka uu marayo Xeerka Anshaxa ee Baraha bulshada oo ay Wasaaraddu gacanta ku hayso diyaarintiisa.Taas oo uu ballan-qaaday in warbaahinta Online-ka doorkooda ka siinayo dhammeystirka Xeerkaas.

Wasiirku waxa uu qiray doorka muhiimka ee Warbaahinta Online-ku ka qaadato horumarinta bulshada iyo dhismaha qaranka, isla markaana waxa uu ballan-qaaday Wasiir Cabdi-weli inay Wasaarad ahaan Xoojinayaan wada-shaqeynta Warbaahinta Online-ka, iyo kobcinta aqoonta dadka ka hawlgala maadama ay yihiin  qarnigan  warbaahinta ugu saameynta baddan.

Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland Ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe_Janaale) oo kulankaasi ka hadlay, ayaa Wasiirka uga mahad-celiyay kulankan iyo  sida uu u fahamsan yahay hawsha culus ee ay qaranka u hayso warbaahinta Online-ka ahi.

Guddoomiye Mustafe-Janaale waxa uu wasiirka uga xog-waramay heerarka uu Soo maray dhismaha Ururka SOMA iyo sida uu u nidaamsan-yahay,kaas oo uu sheegay inuu metelayo guud ahaan Warbaahinta Online-ka qeybaheeda kala duwan, kana shaqeeyo isku xidhkooda, horumarintooda,kobcinta, aqoontooda iyo u doodista xuquuqdooda.

Geesta kale, Masuuliyiinta kale ee Ururka SOMA ee kulankaasi ka hadlay ayaa ballan-qaaday xoojinta dhankooda ee wada-shaqeynta Waaarada iyo qaranka ee ay horeba u hayeen, iyaga oo xusay inay doorkooda ka qaadan doonaan Xeerka Anshaxa baraha Bulshada ee ay Wasaarada isgaadhsiintu waddo.

Kulankan oo noqonayaa kii ugu horreeyey ee Hoggaanka Ururka SOMA uu la yeesho Wasiirka Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland Cabdi-weli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil,waxaanu kulankaasi ku dhammaaday is-faham.

 

Leave a Reply