“Xarunta Barashada Cilmigu Beeruhu waa in ay Sannadkan Shaqeeysaa” Wasiirka Beeraha

0
258

Qore: Saciid Cagjar

Gebiley-(Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sheegay in xukuumaddu ay qorshaynayso in sannadkan 2022 laga shaqaysiiyo xarunta cilmi baadhista ee Aburiin.

Wasiir Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, ayaa sheegay in xaruntan ay muhiim u tahay umadda Jamhuuriyadda Somaliland islamarkana ay ka qayb qaadan doonto  horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

“Hadaad sugto in lagu caawiyo oo aad waxba qabansan waydo weliga meel gaadhi maysid dugisigan waa in uu u shaqeeya sidii uu Madaxweynuhu ugu talo galay oo uu kasoo baxa siidhku”

Xarunta cilmi baadhista beeraha ee Aburiin ayaa ku taal degmada farro weyne ee gobolka ee gobolka Maroodijeex ayaa lagu talo galay in uu qayb ka qaato wax soosaarka dalka gaar ahaan cuntada.

 

 

 

Leave a Reply