Aqooyahanno ka mida Jaaliyadda Kenya ee Deggan  Hargeysa oo ka Markhaati kacay Horumarka Somailand

0
393

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa (Dawan)-Xubno kamida Jaaliyadda u dhashay KENYA ee ku nool Somaliland oo u waramay warbaahinta  KMC (Kow Media Corp), ayaa sheegay inay Somaliland tahay dal nabad-gelyadiisa, nidaamkiisa dawladdeed oo dhamaystiran iyo xasilooni siyaasaddeed ee ka jiraa u qalmaan in adduunku aqoonsi buuxa ku siiyo.

Xubnahan oo ay kamid yihiin Aqoonyahanno wax ka dhiga jaamacaddaha Dalka iyo xarumo kale oo waxbarasho, ayaa intaasi ku daray inay somaliland amni ahaan, maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka wanaagsan tahay dalal badan oo kamida Afrika iyo dunida inteeda kale.

“siddeed sanno ka hor markii aan imi Somaliland  waxaan u aqaanay  in farqi koobani u dhexeeyo guud ahaan Soomaaliya, hase yeeshee markii aan sannado joogay waxaan yaqiinsaday inay aad uga duwan tahay. waxaan dareemaa nabad-gelyo iyo degenaan marka aan joogo Hargeysa Somaliland. mar aan joogay Nayjeeriya waxaan dareemayey werwer”sidaasi waxa yidhi Philemon lady Tubei oo ah bare u dhashay Kenya oo 2013 ilaa hadda ku nool caasimada Somaliland ee Hargeysa.

“Somaliland waa dal ka madaxbanaan Soomaaliya. kama mid aha Soomaliya, waxay qabsanaysay doorashooyin tan iyo 1993-kii”ayuu raaciyey.

Xidhiidhka Kenya iyo Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyey soo wanaagsanaanayey, waxaana jiray heshiisyo dawli ah oo ay labada dal ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada amaanka, Ganacsiga iyo isu-socodka shucuubta labada Qaran.

Nabad-gelyada fiican ee ka jirta Somaliland, fursadaha dihin ee dhinaca maalgashiga ganacsiga iyo bogcada ay ku taallo ee istaraatiijiga ah, ayaa u saamaxaya inay ku soo hirtaan daneeyayaal badan.

Hase yeeshee furaha ayaa ah in marka hore bulshada reer Somaliland ee dibadaha ku dhaqan ama hawlaha ganacsi ugu safraa ay ku soo jiidaan dalka dadyawga xidhiidhku ka dhexeeyo.

 

Leave a Reply