Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa- Masuul Xil-kas ah!

0
623

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).

Hargeysa (Dawan) Salaanta islaamka ka dib, Dawladdu waa hannaan ilaaliya, xukuma, xaliya, hab-dhaqanka bulsho deegaan ah, isla markaana leh dir-sooc ay kaga duwan tahay dhigooda, waana  xilwadareed ku abuurma iskaashi bulsho u qaabeeyeen inay horumar ku gaadhaan.

Qabyada bulshooyinku lama soo koobi karo, gaar ahaan kuwa aasaasiga u ah nolosha sida caafimaad, waxbarasho, nabadgelyo, iwm, taasoo qofna gaarkii u koobsan karin qabyo-tirkeeda, in wadajir loo xaliyo mooye? Bulsho waxay buuxinta baahiyaadkeeda aasaasiga ku gaadhi karaan waa dawlad, taasoo ka dhalatay qabyo-bulsho buuxiteeda.

Hadii muhiimada dawladu loo abuuray tahay dadka, ama si kale la odhan karo “DAWLADU WAA DADKA”, una samaysteen ku gaadhitaanka dannahooda, cid kastoo qeyb ka ah maamulka dawladnimadaa, halka u sarreeya ilaa hoosta waxay adeegayaal u yihiin dadka, oo la xisaabtankooda iska leh.!

Madaxweynihii lix iyo tobnaad ee Maraykanka – ABRAHAM LINCOLN ayaa   muddo hore yidhi – Dimuqraadiyadu waa dadka, saddex jeer ku celiyey kala macno ah.  Dimuqraadiyaddu waxay ka timid laba erey oo Giriig ah – Demos ( oo macnaheedu yahay dad ) iyo Archaein (macnaha -xukun) sidaas awgeed dimuqraadiyaddu waxay ka dhigan tahay habka ay dadku u taliyaan .

Dimuqraadiyadu waa dawlad ka kooban wakiilo dadweynaha, isla markaana wakiillada ay soo dooranayaan dhammaan dadweynahu, loona doortay u adeegida dhamaan dadka. Taasoo macnaheedu yahay in dimuquraadiyaddu tahay qaab dawladeed dadka xilka haya ay soo doortaan shacabka, dawladda la doortayna ka shaqaynayso daryeelka dadka.

Akhristeyaal, hadaan u soo noqdo ujeedada maqaalkan aan cinwaanka uga dhigay “Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa- masuul xil-kas ah” oo ka hadlaya masuul xil ummadeed haya, oo lagu suntay XIL-KAS, waxa is-weydiin leh, ama mudan inaan sharaxaad ka bixiyo sababtaan uga soo gaar yeelay boqolaal kaloo xilal umadeed heerarkeeda kala duwan xilligan haya?

Odhaah gabaygii Hadraawi, ee Gudgude, ku jirtay ayaa ahayd “Guushaada waa lala jiraa-gaar haka ahaanin…”

Macnaha odhaahdan ayaa tilmaamaysa in bulshadu waxay wadajir u leeyahiin, hadday tahay xukuumad, shirkad, adeegyada bulshada sida caafimaad, waxbarasho, biyo, adeeg kasta oo ay wadaagaan u noqdaan kuwo ilaashada, balse aan cid gaar ah ku halleyn!

Akhriste, biyahu waa nimcooyinka Ilaahay SW bixiyo kuwa ugu qaalisan, in la khasaariyo diinta islaamku si weyn ayey uga digtay, qofkii ku sii socdana, xaqiiq cawaaqibkeeda wuu helayaa, aduun iyo aakhiro, ilayn waxuu diiday amarkii Ilaahay SW. sidoo kale, maaha munaasib ama caaqilnimmo inuu qariyo ama aanu u arkin muhiimada koowaad wax-ka-qabashadeeda  qofkii arka qasabadaha/tuubooyinka biyaha oo daadinaya, maadama dhibic kastoo lunta adiga iyo qeyrkaa ka dhinmayso.

Haddaba, annigoo ficil kastoo aan samaynayo Ilaahay SW dartii u sameeya, qofkastoo islaam ahna sidaa looga baahan yahay, ayaan wakhti kastoo aan arko biyo daadanaya la socodsiiyaa madaxda Wakaaladda Biyaha Hargeysa?

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Eng Maxamed Cali Daarood, oo aqoon shaqo, xirfadeyda suxufinimada iyo masuuliyada uu ummada u hayo na wadaajisay mooyee, aanan wax kale wadaagin, ayaan jeclaystay inaan bulshada la wadaago sifo nadir ku ah masuuliyiin badan oo xil-umadeed haya, balse aan kala kulmay.

Eng Maxamed, oo haya xilalka ummada kuwa ugu muhiimsan, ama ta koowaad oo biyaha ah, la’aantoodna nolol kale jirteen, sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay, ayaa marka laga yimaado horumarintooda, waxaan la wadaagay tiro afar wakhti ah qasabadaha Wakaalada Biyaha oo meelo ka jabay, biyahiina khasaarayaan? Jawaabahii uu ka bixiyeyna RUNTII, waxay noqdeen, tii laga filayey masuul xilkiisa gudanaya.

Shalay duhurnimadii ayaan iskuulka Salaama Boys agtiisa ku arkay biyo daadanaya, waxaan fariin ugu gudbiyey Maareeyaha Eng Maxamed, xaqiiqdii, 3 daqiiqadood ka dib, waxa ila soo xidhiidhay masuulka qaabilsan joojinta biyaha daadanaya. Runtii niyada ayaan uga duceeyey, in Ilaahay SW ka abaalmariyo gudashada xilkiisa, kuna guuleeyo, waa markii afaraad, hadaanay ka badnayn, ee fariimo aan ugu sheegay biyo daadanaya, jawaabo laga soo bixiyey.

Waxay iigu muuqatay munaasib inaan la wadaago bulshada caasimada Hargeysa, siduu u gudanayo waajibaadka ummada uu u hayo Maareeye Eng Maxamed, sidoo kalena, isaga iyo inta la mid ah ee xilka ay ummada u hayaan guta lagu bogaadiyo, si qofkii ugu sii noqoto dhiirigelin. Akhriste haddaynu kala saari weyno qofka xilkuu ummada u hayey guta iyo qofka kale, dhibaatadu bulshada (aniga, adiga & dhamaanteen) ayey ku imanaysaa, oo gaadhitaanka hadafkeedii hantaaqo ku keenaysaaye?

Ogow akhriste, xadiis Nebiga NNKH ayaa macnahiisu yahay “Waxa idiinku kheyr badan, qofka dadka ugu waxtarka badan), Ilaahay SW adoomadaa ha innaga dhigee, hadii bulshadu waxii ay arkaan uga dhigaan dhaliil masuulka qaabilsan, in la saxxo ha filannin, ilayn adiga-ba hadafkaaga ma ahayne? Laakiin, hadaad dariiqa haboon u martid, inbadan oo jawaabtii loo baahnaa  ka bixiya waa la helayaa, qofkii sameeyeyna ajar ka helayo.

Gebagabadii, akhriste, bulsho ku dedaal inaad ficil kastoo aad samaynaysaan aakhireysaan, idiinkoon qof is-tuskii ama danno kale ka lahayn, balse idiin noqdo mid aad Ilaahay SW ajar kaga doonaysid iyo inuu maalinta dambe-(aakhiro) ku anfaco, dhaxalka la hubo, Ilaahay SW ha innaga dhigo adoomadii uu salaadahooda iyo acmaashooda wanaagsan ka aqbalo, iyaga, waalidiintood iyo dhamaan islaamka, aamin.

Leave a Reply