Wasiir Koore oo soo bandhigay hankiisa Madaxweyne’nimo.

0
396

“Looma baahna Somaliland in ay noqoto Puntland-ta Maxamuud Saleebaan”Ayuu yidhi wasiir Koore.

Hargeysa (Dawan) — Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa soo bandhigay hankiisa madaxweyne-nimada Somaliland, isagoo sheegay in uu doonayo in isagana markiisa la taageero, oo kursiga la saaro.

Wasiirka ayaa sheegay in aan loo baahnayn in niman isku hayb ahi ay isku war wareejiyaan xukunka, isla markaana ay jiraan dad reer Somaliland ah oo dhamaan madaxda Asxaabta Siyaasada Somaliland u arka rag isku qoys ah.

Waxaanu yidhi.”Habar baa boodaysa, habar ayaa imanaysa, dadka kale muxuu yahay, Somaliland ma habro ayaa leh?”. “Nin waxaa jooga dalka ku nool oo Ina Biixi, Faysal, Cirro iyo Xirsi-ba u arka rag ilmaadeer ah”

Wasiir ka ayaa soo bandhigay hankiisa uu ku doonayo in uu Somaliland madaxweyne kaga noqdo, isagoo sheegay in uu doonayo in isagana markiisa la taageero.

Waxaanu yidhi.”Askarigii ugu horeeyay iyo maamulkii dalka, haduu mid la ururiyo yahay iyo haduu mid booliis yahay ragii kasoo qayb qaatay ayaan ahaa, 17 cisho kadib markii SNM soo gashay ragii joogay ayaan ahaa, waar anigu miyaanan xaq u lahayn in aan yidhaahdo ana waa markaygii?”.

Wasiir ka ayaa shacabka kala dar daarmay in ay qabiil wax ku doortaan “Maaha dadka reer Somaliland in ay ku tartamaan qabiil iyo cunfi, waa xigmad ah oo ay leedahay ma jirto taariikhda in qabiil lagu tar tamo” ayuu yidhi Wasiir Koore.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa sii raaciyay.”Looma baahna Somaliland in ay noqoto Puntland-ta Maxamuud Saleebaan”.

Leave a Reply