Xeerka Ciqaabta Guud oo Gabo Gabo ah iyo Wasaaradda Dastuurka oo ka Samaysay Daraasad

0
563

Qore: Saciid Cagjar

Hargeysa-(Dawan) -Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha ayaa furtay kulan lagu soo bandhigayo daraasad ku saabsan qiimayn lagu sameeyey xeerka Ciqaabta guud ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa sheegtay in xeerku uu soo maray heerar kala duwan oo ay kasoo talo bixiyeen guddiyo iyo garyaqaano ay la wadaagtay wasaaraddu.

“Xeerkan heerar hore ayuu soo maray, guddiyo hore ayaa loo saaray oo garyaqaano ayaa kasoo talo bixiyey, waxaana in badan gacanta ku haysay wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha waxaa uu marayaa heerarkii ugu danbeeyey” ayey tidhi

Marwo Deeqa ayaa sheegtay ujeedada ugu weyn ee xeerku in ay tahay in bulshada iyo laamaha dawladda in loo bandhigo si ay wax ugu daraan wax ka bedelka lagu samaynaayo kaas oo uu u dammaanad qaaday dastuurku, waxaanay tidhi “Ujeedada ugu weyn ee aan ka duulaynaa waa in xeerkasta oo Somaliland lagu samaynayo in ay ka qayb qaatan bulshada kala duwan sida laamaha dawladda iyo bulshada rayidka ah si ay ugu daraan fikradaha muhiimka ah waa mabaadiida ugu waaweyn ee uu inna siinayo dastuurku “

Kulanka lagu gorfaynaayo wax ka bedelka xeerka ciqaabta guud ayaa waxa kasoo qayb galay bahda garsoorka, amniga, xeer ilaalinta iyo bareyaasha jaamacadda Hargeysa ka dhiga cilmiga sharciga

 

Leave a Reply