Dhaqaalaha Iyo Aqoonta Caalamka!

0
647

 

Haddii aynu ka soo qaadno in dunida korkeeda ay ku nool yihiin 100 oo keliya waxay taasi noqonaysaa in 50 rag noqdo , 50 kalena Dumar noqdaan. Dhulka ay ku nool yihiin hadayno eegno waxay noqonayaan in 60% ,Aasiya degan yihiin, 15% ay Africa ku nool yihiin, 14% latin America, 11 Ay Yurub ku nool yihiin, waa qiyaasta tirada dadka degan marka la eego wakhktigan.

Haddii la qiyaaso 100 qof diimaha ay haystaan waxay noqon lahayeen 31% dad Kiristaan , 30% Islaam, 15% Hindus, 7 Budisan iyo 16% haysta dhaqano iyo diimo kale.

Dadkaasi da’doodu waxay  noqon lahayd  1-14 waa 20  qof, 15- 50 waa 50 qof, 51 -65 waa 19 qof, wixii ka sareeya 65 tiradoodu 18 qof.

Dhinaca dakhliga iyo dhaqaalaha haddii aan ka eegno 15 qof  waa dadka maalintii ay soo gasho $ 2, 56 qofna maallintii waxay helaan $ 8, 12 qof maalintii dakhligoodu waa $ 17,  9 qofna dakhligoodu waa $ 30, 6 qofna maalintii waxay helaan $ 90, hal qof ayaa isna maalintii hela $ 100.  Sidaas darteed 10 qof oo ka mid ah 100 qof aya maamula lacagta dunida taalla 50%.  Dhinaca aqoonta 86% ayaa wax akhriya , halka 14 % aanay waxba akhriyin.

Dhinaca waxbarshada sare 7% ayaa jaamacado dhamaysta halka 93% aanay gelinba jaamacad. Mobilada waxa boqolkaasi qof sita 75% , halka 25% soo hadhayna aanay haysan. 77% dadkaasi  ka mid ah ayaa guryo hela, halka 23% aanay maanta dunida hoy ku haysan.

Xaga miisanka jidhka 21 ka mida dadka waa culays xad dhaafa, 63 dadkaa waa culaysi caadi ah , 15 dadkaa ka mida  waxaa haya nafaqo daro, 1 dadka ka mida wuxu la ildaran yahay gaajo.

Leave a Reply