Golaha wakiillada oo Ansixiyay Masuuliyiin kala Duwan oo xukuumadda ka Tirsan

0
331

 

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa shalay ansixiyay wasiiro, wasiiro ku xigeeno, guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeeno.

Fadhigii shalay ee golaha wakiillada oo uu shir’guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, isla markaana ay ka soo xaadireen 67 mudane waxaana cod gacan taag ah lagu ansixiyay masuuliyiin uu dhawaan madaxweynaha Somaliland soo magacaabay.

Masuuliyiinta ay golaha wakiilladu ansixiyeen waxa ka mid ahaa wasiirka horumarinta biyaha Somaliland, mudane Cali Maxamed Xasan Cali Mareexaan, wasiirka diinta iyo aw qaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, wasiirka tamarta Cabdillaahi Faarax Muuse, wasiirka horumarinta reer miyiga Axmed Aadan Jaamac, wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta maaliyadda Rooda Jaamac Cilmi, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Dr. Cabdixakiin Siciid Bustaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda khayraadka biyaha, Siciid Axmed Jibriil.

Masuuliyiinta kale ee la ansixiyay waxa ka mid ah guddoomiyaha hay’adda caymiska Qaranka Saleebaan Cawad Cali Bukhaari, guddoomiyaha baanka dhexe Eng. Cali Daahir, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Khaalid Jaamac Qodax, guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda Aamina Xuseen Maxamuud, guddoomiye ku xigeenka Caymiska Qaranka Sahra Aadan Yuusuf, iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda caymiska Qaranka Maxamed Cabdillaahi Guuleed.

 

 

Leave a Reply