Guddoomiyaha Daadmadheedh oo kormeeray Deegaano Abaari ka jirto

0
259

Oodweyne(Dawan):-Wefti uu hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd ayaa socdaal uu ugu kuurgelayo xaaladda abaareed ee ka jirta gobolka ku  soo maray deegaano ka tirsan gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd ayaa waxa ka mid ahaa Deegaanada uu kormeerka ku soo maray Degmada Raydab Khaatumo halkaas  oo ay ku soo dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo Dadweynaha degmadaas ku dhaqan.

Guddoomiyaha Gobalka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd ayaa waxa uu uga mahadnaqay sida ay usoo dhaweeyeen Dadweynaha deegaanada uu soo maray waxaana uu yidhi”Waxa aanu aad iyo aad  idiika mahadnaqaynaa sida aad usoo dhawayseen aniga iyo weftigan aan hogaaminayo,waa gob iyo caadadeed Raydab Khaatumo waad ogtihiin inta uu magaceedu jiray,waxaana ay ka mid tahay meelaha ugu facaweyn ee Gobalkan Daadmadheedh,waa meel taariikh leh waxaana aan ku faraxsanay in aan halkan idiiku yimaado,”.

Sidoo kale Dadweynaha ku dhaqan Deegaannada Guddoomiyaha  Gobalka   Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd  Socdaalka ku  soo maray ayaa   uga mahadceliyay kormeerkan uu ugu tegay

Leave a Reply