Guddoomiye Qodax oo ka Hadlay Shaqaalaha Dawladda iyo Taageerada Xisbiyada

0
334

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Khaalid Jaamac Qodax ayaa beeniyey in qof shaqaale ah loo eryey taageero uu u muujiyey Xisbiyada mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Guddoomiye Qodax ayaa sheegay in shaqaale weynaha qaranku ay xor u yihiin taageerada Xisbiyada balse ay jiraan waxyaabo ka reebban, waxaanu  yidhi “Qaranku waxa uu ku shaqeeya xeerar iyo nidaam iyo baratakool, cidkasta oo shaqaale ahna wuu qabta, lamana kala jecla muxaafid iyo mucaarid qofkuna xor ayuu u yahay xisbiga uu taageerayo iyo cidda uu u codaynayo, balse shaqaale weynaha waxbaa ka reebban dhab ahaantii waajibaad ayaa lagu leeyahay iyaguna waajibaad ayay Qaranka ku leeyihiin”

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Khaalid Jaamac Qodax ayaa oo Telefishanka HCTV waydiyey sababta shaqada looga caydhiyo qofka taageera xisbiyada mucaaradka balse aan tallaabo looga qaadin qofka Xisbi Xaakimka  iyo xukuumadda taageera, ayaa kaga jawaabay. “Wararka suuqa la isla dhex marayaa waa kuwa kutir kuteen ah, qofka shaqaalaha ahina xuquuq iyo waajibaad ayuu leeyahay, dastuurka iyo xeerarku ay jideeyeen illaa heer maxkamaddeedna gaadha, shaqaalaha annagu waanu u hiilinaa balse iyaguna kama sarreeyaan xeerarka iyo sharciga”

 

Leave a Reply