Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Lawyo-caddo ee dhacda xuduuda Somaliland iyo Dalka Djibouti.
Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa socdaal hawleed kaga soo noqday dalka Djibouti, halkaasoo uu shalay ka furay shirka Maayarrada degmooyinka maamul-daadejinta ee JSL.
Soo dhaweynta weftiga waxa qayb ka ahaa maamulka gobolka Selal, degmada Saylac iyo masuuliyiinta kale ee laamaha dawladda heer gobol iyo degmo.
Halkan ka Daawo muuqaal: